25.5 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Amnesty oo eedeyn culus u jeedisay DF Somalia iyo beesha caalamka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International oo soo saartay warbixin dheer ayaa ka hadashay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Amnesty ayaa warixinteeda ku dhaleeceysay dowladda federaalka iyo beesha caalamka, waxayna sheegtay in ay ku fashilmeen inay ilaaliyaan kumannaan qof oo kamid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen, taas oo horseeday in dadkaasi ay waayaan xuquuqdooda aas-aasiga ah sida cunno, biyo, caafimaad iyo nolol wanaagsan.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldarreysatay bixinta gargaar degdeg ah oo ay ku jiraan adeegyada caafimaadka iyo cunnada oo la gaarsiiyo qoysaska tabaaleysan.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2023, ay isbeddelka cimilada iyo colaadaha ay kumannaan qof ku khasbeen inay ka barakacaan guryahooda, ayna gaareen xeryo ku yaallo gudaha iyo xerada qaxootiga ee Dadaab ee dalka Kenya.

Agaasimaha gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Amnesty International, Tigere Chagutah, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah, wuxuuna ugu baaqday dowladda Soomaaliya, iyadoo taageero ka helaysa beesha caalamka, in ay si degdeg ah wax uga qabato xaaladaha way wajahayaan dan-yarta.

“Soomaaliya wax yar bay ku leedahay sababta isbeddelka cimilada, balse shacabka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameysay. Dalalka hodanka ah, gaar ahaan kuwa ugu badan ee wasakhda sii daaya, waa inay qaataan masuuliyadda oo taageeraan Soomaaliya si ay ula qabsato saameynta isbeddelka cimilada,” ayuu yiri Chagutah.

Waxaa kale oo warbixinta lagu soo bandhigay wareysiyo laga qaaday qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah, shaqaalaha gargaarka, saraakiil dowladeed iyo khubaro ku takhasusay isbeddelka cimilada, taas oo lagu saleeyay qiimeynta ay soo saartay Amnesty International.

Ugu dambeyn hay’adda ayaa  ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay dejiso siyaasado adag oo la xiriira la-qabsiga isbeddelka cimilada, isla markaana ay wax ka qabato khasaaraha iyo dhaawaca uu sababay isbeddelkaas, gaar ahaan bulshada nugul ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News