Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaale ka tirsan kuwa ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin.
Shaqaalahan oo ka cabanaya mushahar la’aan iyo shaqo-cayrin lagu sameeyay qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa mudaharaad ka dhigay gudaha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Shaqaalaha dibadbaxa sameeyay ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii ay wada shaqeynayeen ay erisay shirkadda Favori oo gacanta ku haysa maamulka garoonka. Arrintan ayaa maanta saameyn ku yeelatay habsami u socodka howlaha garoonka Aadan Cadde.
Sidoo kale, waxay dalbadeen in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay soo farageliso muranka u dhexeeya iyaga iyo shirkadda Favori ee maamusha garoonka.
Shaqaalaha la eryay oo gaaraya illaa 15 qof ayaa la sheegay in aan wax ogeysiis hore ah la siin, isla markaana lagu amray inay garoonka banneeyaan isla maanta. Shaqaalahan ayaa lagu beddelay ajaaniib laga keenay dalal kale.
Muuqaallo laga soo duubay goobta oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay shaqaale xiran dharka gaarka ah ee shirkadda Favori oo aan wax shaqo ah qaban, taasoo muujineysa gadoodka ay sameeyeen.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo shirkadda Favori ee maamusha garoonka.
Wixii kasoo kordha, kala soco Caasimada Online.

