28.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Ciidamada Puntland oo dilay hogaamiye sare oo Daacish ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta ciidamada Puntland ka sameeyeen aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay togga Baallade ayaa waxaa lagu dilay horjooge ajnabi ah oo ka tirsanaa argagaxisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Ninka la toogtay ayaa ahaa madaxii kooxda miinooyinka ee Daacish, kaas oo horay u maleegay qaraxyo lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka Puntland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ciidamada ayaa ninkan toogtay, kadib markii ay heleen xog sheegaysa inuu miino dhigay meel u dhow halkaasi, kadibna laga hortegay.

“Ciidanku waxay maanta dileen madaxii kooxda miinooyinka dhigayey ee firxadka argagixisada Daacish, waxaa la qabtay qaraxyo iyo agabkii uu watay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee maamulka Puntland.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka waxa ay sheegeen in jeebkiisa laga helay lacag dollar ah iyo qalab uu ku sameyn jiray miinooyinka.

Qaraxii u dambeeyay oo dhacay bartamihii October ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa 7 askari, kadib markii ay miino kula kacday aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

- Advertisement -

Read more

Local News