Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee Howlgalka Midowga Yurub ee Atalanta (EUNAVFOR) ayaa fuulay doon loo adeegsan jiray sidii ‘markab hooyo’ oo laga soo abaabulayay weerarro burcad-badeednimo oo badan oo lagu bartilmaameedsaday maraakiibta ganacsiga.
STallaabadan ayaa timid kaddib dabagal iyo is-mariwaa maalmo qaatay. Burcad-badeeddii ayaa goobta ka baxsatay, waxaana ciidammada Yurub ay kala shaqayn doonaan mas’uuliyiinta Soomaaliya sidii loo soo qaban lahaa sharcigana loo horkeeni lahaa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay EUNAVFOR.
Kooxda burcad-badeedda Soomaalida ah ayaa bishii hore qabsatay doonta oo laga leeyahay Iran, waxayna halis ku hayeen maraakiibta caalamiga ah tan iyo horraantii bishii November.
Iyagoo doontan yar ka dhiganaya saldhig hawlgal oo ku yaal badweynta, waxay burcad-badeeddu adeegsadeen doomo yaryar si ay u eryadaan maraakiibta ganacsiga ee u dhow.
Waxay 6-dii November koreen markabka shidaalka qaada ee Hellas Aphrodite, xilli uu ku sugnaa meel qiyaastii 560 mayl-badeed koonfur-bari ka xigta Eyl, Soomaaliya, taasoo ahayd hawlgal ballaaran oo laga fuliyay meel fog oo bartamaha Badweynta Hindiya.
Burcad-badeedda ayaa u soo dhowaatay Hellas Aphrodite waxayna ku furtay rasaas fudud, kaddibna way koreen. Shaqaalihii markabka Aphrodite waxay ku dhuumanayeen qolka badbaadada ee markabka ilaa uu soo gaaray markabka dagaalka ee Spain, ESPS Victoria, maalintii xigtay, kaasoo eryaday kooxdii weerarka soo qaadday.
Dhammaan shaqaalihii way badqabeen, markii loo tegay, burcad-badeeddiina way baxsadeen, markabka Victoria ayaana ka tagay si uu u daba galo doontii.
Ciidamo isku-dhafan oo ka tirsan kuwa Hindiya iyo kuwa EUNAVFOR ayaa dabagalay oo gaaray doonta intii u dhaxaysay 8-dii ilaa 9-kii November.
Ciidammadii hawlgalka fulinayay ma aysan samayn fuulid qasab ah, maaddaama burcad-badeeddu ay la haystayaal u haysatay shaqaalihii doonta ayna ugu hanjabeen inay waxyeellaynayaan, sida ay sheegtay shirkadda la-talinta khataraha badaha ee Vanguard Tech. Khatartii ay ku hayeen maraakiibta waa la xakameeyay, laakiin is-mariwaagii wuu sii socday.
11-kii November, EUNAVFOR waxay sheegtay in doontii ay dib ugu soo laabatay xeebaha waqooyi-galbeed ee Soomaaliya, halkaas oo ay burcad-badeeddii ka tageen ayna si guul leh uga baxsadeen. Shaqaalihii doonta wax dhibaato ah ma soo gaarin, waxaana markabka laga helay caddaymo.
“Hawlgalladii Kooxda Burcad-badeedda ee ka jirtay aagga waa la carqaladeeyay,” ayuu yiri EUNAVFOR oo bayaan soo saaray.
“Hawlgalka Atalanta wuxuu sii wadaa la shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Puntland si loo helo loona soo qabto burcad-badeedda la tuhunsan yahay.”

