Washington (Caasimada Onlien) – Jeffrey Epstein ayaa tilmaamay in Donald Trump uu ogaa tacaddiyadii uu geystay maalqabeenkaas sumcadda xun, uuna “saacado” la qaatay mid ka mid ah dhibbanayaashii ku sugnaa gurigiisa, sida lagu sheegay farriimo email ah oo ay Dimoqraadiyiintu soo bandhigeen Arbacadii.
Trump ayaa marar badan beeniyay inuu wax ka ogaa falalkii ka ganacsiga galmada ee saaxiibkiisii hore – kaasoo is-dilay 2019-kii isagoo xabsi ku jira oo maxkamadeyn sugayay — wuxuuna ku eedeeyay Dimoqraadiyiinta inay isku dayayaan inay “meel kale u weeciyaan” fashilkooda.
Laakiin fadeexaddan ayaa ku adkaatay Trump inuu iska fogeeyo, waxaana Dimoqraadiyiinta ka tirsan Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiillada (House Oversight Committee) ay sheegeen in saddexda email ee cusub ay “su’aalo culus ka keenayaan Donald Trump iyo inta uu la eg yahay ogaanshaha uu u lahaa dambiyadii foosha xumaa ee Epstein.”
Cadaadiska saaran Trump ayaa sii kordhay goor dambe oo Arbacadii ah, markii xildhibaanad Dimoqraadi ah oo dhawaan la dhaariyay ay magaceeda ku dartay codsi qoraal ah oo hadda helay saxiixyo ku filan oo lagu qasbayo in cod loo qaado sii deynta dhammaan faylasha kiiska Epstein.
Farriin uu bishii Abriil 2011 u diray Ghislaine Maxwell, oo ahayd haweeney ay muddo dheer wada shaqeynayeen, ayuu Epstein ku sheegay in Trump uu waqti badan la qaatay haweeney uu Aqalka Cad markii dambe ku aqoonsaday inay ahayd qofkii ugu weynaa ee Epstein dacweynayay, Virgina Giuffre.
“Waxaan rabaa inaad ogaato in ‘qofkaas aamusan ee aan weli la soo hadal qaadin’ uu yahay Trump,” ayuu qoray Epstein. Wuxuu intaas ku daray in dhibbanuhu “ay saacado kula qaadatay gurigeyga isaga [Trump] ,, marna lama soo hadal qaadin.”
Maxwell, oo lagu helay dambiga ka ganacsiga galmada dhimashadii Epstein kaddib, ayaa ku jawaabtay: “Waan ka fekerayay arrintaas…”
‘Dabcan wuu ogaa’
Farriin kale oo email ah oo ku taariikheysan Janaayo 31, 2019, oo uu u diray qoraaga Michael Wolff, ayaa Epstein la sheegay inuu ku qoray: “dabcan wuu ka warqabay gabdhaha maadaama uu Ghislaine ka codsaday inay joojiso.”
Jamhuuriyiinta ayaa markii dambe soo bandhigay kumanaan email, oo la helay kaddib markii ay Dimoqraadiyiintu amar maxkamadeed ku dalbadeen xogta hantidii uu ka tagay Epstein (Epstein’s estate) horaantii sanadkan, waxaana ka mid ahaa mid uu Epstein ku tilmaamay Trump “mid wasakh ah.”
Buuqa ka dhashay kiiska Epstein ayaa weli saameyn ku haya maamulka Trump in ka badan afar bilood kaddib markii Waaxdiisa Caddaaladda (Justice Department) ay dooneysay inay xirto kiiska.
Iyagoo doonaya inay ka faa’iideystaan muranka weli taagan, ayay Dimoqraadiyiinta Aqalka Wakiillada isku dayayeen inay riixaan cod horseedaya in lagu qasbo daabacaadda dhammaan faylasha kiiska Epstein.
Trump wuxuu ku boorriyay Jamhuuriyiinta in aysan ku dhicin “dabin”, waxaana saraakiil sare ay ku martiqaadeen Lauren Boebert, oo ah haweeneyda Jamhuuriga ah ee mayalka adag ee garabka midig, Qolka Xaaladaha ee Aqalka Cad (White House Situation Room) si ay ugu riixaan inay magaceeda kala baxdo codsiga.
“Dimoqraadiyiintu waxay mar kale isku dayayaan inay soo hadal qaadaan been abuurkii Jeffrey Epstein sababtoo ah waxay sameyn doonaan wax kasta si ay meel kale ugu weeciyaan sida xun ee ay u fashilmeen,” ayuu Trump ku yiri bartiisa Truth Social.
Laakiin Boebert way diiday inay ka laabato, codsigii ayaana meel maray markii xildhibaanadda Dimoqraadiga ah Adelita Grijalva la dhaariyay kaddib toddobaadyo dib u dhac ah, ayna isla markiiba saxiixday codsiga.
Taageerayaasha MAGA oo careysan
Aqalka Cad ayaa galay qaab difaac ah, wuxuuna ku eedeeyay Dimoqraadiyiinta inay si ula kac ah oo xulasho leh u bixiyeen email-ada si ay “u abuuraan sheeko been abuur ah oo lagu sumcad dilayo Madaxweyne Trump.”
Fadeexadda Epstein ayaa Trump haraysay muddo bilooyin ah, kaddib markii Waaxdiisa Caddaaladda ay qoraal ay soo saartay bishii Luulyo ku xaqiijisay inuu is-dilay, iyo in “liiskii macaamiisha” ee Xeer Ilaaliyaha Guud Pam Bondi ay sheegtay inay dib u eegis ku haysay uusan jirin.
Tallaabadaasi waxay caro xooggan ka dhalisay taageerayaasha udub-dhexaadka u ah Trump ee “MAGA”, kuwaasoo dareemay in la khiyaanay kaddib markii sanado loo sheegayay in “xubno saameyn qarsoon leh” (deep state) ay qarinayaan oo ay ilaalinayaan shakhsiyaad ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiyada oo ay ku eedeynayeen inay macaamiil u ahaayeen Epstein.
Gacan-yarayaasha Trump ee MAGA – oo ay ku jiraan laba xulafadiisa ah oo hadda maamula hay’adda FBI – ayaa magac ku yeeshay hurinta aragtiyaha shirqoolka, oo ay ku jirto in is-dilka Epstein uu dhab ahaantii ahaa dil ay amreen macaamiishiisii awoodda badnaa.
Xiriirka Trump uu la leeyahay Epstein waa mid ballaaran. Labadooda ayaa la arkay sawirro iyagoo wada xafladeynaya muddadii ay saaxiibbada ahaayeen ee 15-ka sano ahayd, ka hor inta aan la soo warin inay isku khilaafeen heshiis guryo ku saabsan sannadkii 2004, iyo markii uu Trump kaddib cambaareeyay saaxiibkiisii hore.
Saameynta ka dhalatay fadeexaddan ayaa sidoo kale u gudubtay dhinaca kale ee badweynta Atlantic. Trump wuxuu sheegay bishii hore inuu “aad uga xun yahay” qoyska boqortooyada Britain kaddib markii amiirkii hore Andrew, oo ay Giuffre ku eedeysay tacaddi, laga xayuubiyay derejooyinkii uu lahaa.

