29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

KENYA oo loo doortay kursigii ay Soomaaliya ku lahayd…

Bookmark
Bookmarked

Share

Hague (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa kusoo baxday kursigii ay Soomaaliya ku lahayd Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ, kaas oo uu horay isaga casilay Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf.

Jagadan ayaa waxaa Arbacadii loo doortay Qareen Kenyan ah oo lagu magacaabo Phoebe Okowa, taas oo buuxin doonto booskii Garsoore Cabdulqawi.

Okowa, ayaa lagu doortay cod qarsoodi ah, iyada oo la tartantay saddex musharax oo ay ugu dambeyn ka guuleysatay, kadib afar wareeg oo la’isla gaaray.

Haweeneydan ayaa shaqada sii wadi doonto, inta ka dhiman muddo-xileedkii Cabdulqawi Yusuf, taasoo dhammaaneysa marka la gaaro 5-ta bisha Febraayo ee 2027.

Phoebe Okowa, waa qareen iyo borofisar ku takhasustay sharciga caalamiga ah ee dadweynaha kana dhiga jaamacadda Queen Mary ee London, waxay sidoo kale tan iyo sannadkii 2023 xubin ka ahayd Guddiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Caalamiga ah (UN International Law Commission).

Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf ee shaqada ka tegay ayaa si rasmi ah kursiga u banneeyay 30-kii Sebtembar 2025, isaga oo xilligaas ku dhawaaqay inuu ka tagay xilka xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ), kadib bayaan uu soo saaray

“Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf wuxuu iska casilayaa xilka Xubinimada Maxkamadda laga bilaabo 30 September 2025.” ayuu ku yiri bayaanka uu soo saaray.

Garsoore Cabdulqawi ayaa markii ugu horreysay loo doortay ICJ 6-da Febraayo 2009, waxaana dib loo doortay sannadkii 2018.

Wuxuu sidoo kale soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka Maxkamadda intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2018, kaddibna wuxuu noqday Madaxweynaha Maxkamadda intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2021—wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee xilkan qabta, sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa dhawrka qof ee Afrikaanka ah ee xilka madaxnimo maray.

- Advertisement -

Read more

Local News