Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan (MBS), ayaa la filayaa inuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kala hadlo taageerada Imaaraadka Carabta uu siiyo ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Suudaan, sida ay sheegeen saraakiil kala duwan oo Carab iyo reer Galbeed ah.
Tallaabadan ayaa muujinaysa ka-qaybgal toos ah oo naadir ah oo uu hoggaamiyaha Sacuudigu ku yeelanayo colaadda Suudaan, taasoo socotay tan iyo Abriil 2023. Waxay timid kaddib wicitaan taleefoon oo toos ah oo dhex maray MBS iyo Taliyaha Ciidammada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), Cabdulfataax al-Burhaan.
Ilaa dhowaan, dagaalka ba’an ee Suudaan waxaa si diblomaasiyadeed u hareeyay qalalaasaha Gaza iyo xiisadaha lala galay Iran. Si kastaba ha ahaatee, la wareegiddii RSF ay dhowaan la wareegeen el-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur, ayaa dagaalka si weyn usoo ifbixisay, iyadoo ay soo baxayaan warbixino ku saabsan xasuuq ballaaran iyo kufsi ay geysteen dagaalyahannada RSF.
Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay taageerayeen RSF intii uu dagaalku socday, iyagoo adeegsanaya waddooyin sahay oo mara Libya, Chad, iyo dekedda Boosaaso ee Soomaaliya, inkastoo Abu Dhabi ay beenisay eedeymahaas.
Xiisad ayaa sidoo kale ka muuqata dhanka internet-ka, halkaasoo uu “dagaal dhanka xogta ah” ku dhex marayo baraha bulshada ee ay kala taageeraan Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Ilo-wareed la siiyay xogta wicitaanka ayaa sheegay in Jeneraal Burhaan uu u sheegay MBS in dagaalku uusan dhammaan karin iyadoo aan Mareykanku cadaadis saarin Imaaraadka. Burhaan wuxuu faahfaahiyay waxyeellada RSF, isagoo ku adkeystay in dagaalku uusan ahayn mid u dhexeeya “laba jeneraal” oo kaliya, balse RSF ay noqotay “mashiin wax gumaada” oo ay suurtagelisay taageerada Imaaraadka.
MBS wuxuu ballanqaaday inuu arrintan u gudbin doono Trump. Diblomaasiyiinta gobolka ayaa filanaya cadaadiskan, iyadoo sarkaal reer Galbeed ah uu xusay in MBS “uu u arko fursad uu isku dayayo inuu ku kala geeyo Trump iyo MBZ,” Madaxweynaha Imaaraadka Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
Xulafadii oo col isu beddelay
Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo 40 jir ah iyo hoggaamiyaha Imaaraadka oo 64 jir ah ayaa mar lahaa xiriir aad u dhow. Labada boqortooyo waa lammaanayaal muhiim u ah Mareykanka, waxayna si toos ah ula macaamilaan maamulka Trump, iyagoo xiriir dhow la yeeshay Jared Kushner.
Waxay horey u soo abaabuleen go’doomintii Qatar, waxayna si wadajir ah u fara-geliyeen dagaalka sokeeye ee Yemen. Waxaa la yaab leh, in badan oo ka mid ah dagaalyahannada RSF ay u dagaalameen isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen.
Maanta, labaduba way xafiiltamaan. Dalka Yemen, Imaaraadku wuxuu taageeraa gooni-u-goosatada koonfureed, kuwaasoo khilaafsan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee uu Sacuudigu taageero.
Hoggaamiyeyaasha boqortooyooyinka Khaliijka ayaa caadiyan ka caga jiida inay khilaafaadkooda soo bandhigaan marka ay joogaan Aqalka Cad. Si kastaba ha ahaatee, aaminaad-darrida Madaxweyne Trump ee ku aaddan diblomaasiyiinta heerarka hoose ayaa ka dhigaysa la-macaamilka tooska ah ee heerka sare ah mid muhiimad gaar ah leh—waana xaqiiqo uu MBS u muuqdo inuu ka faa’iideysanayo.
Tallaabadan waxay sidoo kale ka tarjumaysaa go’doonka sii kordhaya oo Imaaraadka kula kulmayo arrinta Suudaan. Masar iyo Turkiga, oo ah dalal kale oo xiriir dhow la leh Imaaraadka, ayaa kordhinaya taageerada milatari ee ay siiyaan ciidanka Suudaan, iyagoo la saftay Sacuudi Carabiya.
Xuseen Ibish, oo ah aqoonyahan ka tirsan Machadka Wadamada Khaliijka Carabta ee Washington (Arab Gulf States Institute in Washington), ayaa xusay in isbahaysigan uu abuurayo “is-afgarad Carbeed” oo Imaaraadku “ka hor imaanayo.” Ibish wuxuu intaas ku daray in “khatarta Iran” oo yaraatay ay u oggolaatay Sacuudiga iyo Imaaraadka “inay dareemaan xorriyad ay ku tartami karaan” halkii ay kaga midoobi lahaayeen arrin kasta.
Mowqifka Sacuudi Carabiya
In kasta oo Suudaan ay ku taal meel Badda Cas uu u dhow Sacuudi Carabiya, haddana Imaaraadka ayaa ku firfircoonaa goobta, iyadoo lagu eedeeyay inay saldhigyo iyo waddooyin sahay oo isku murugsan u samaysay RSF, oo uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Dagalo (Xameti).
Sacuudi Carabiya wuxuu si cad isugu muujiyey sidii dhexdhexaadiye, isagoo martigeliyay wada-hadalladii Jeddah. Si kastaba ha ahaatee, ilo-wareedyo kala duwan ayaa tilmaamaya in doorbididda Riyadh ay had iyo jeer ahayd xasilloonida muuqata ee ay bixiso SAF.
Sida la soo warinayo, Riyadh waxay si weyn uga carootay faragelinta Imaaraadka, waxayna markii hore ka biyo diidday in Abu Dhabi loo oggolaado kooxda dhexdhexaadinta ee “Quad”, iyadoo oggolaatay oo keliya kaddib cadaadis heer sare ah oo Mareykanka ka yimid.
Dagaalku wuxuu dilay tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay ugu yaraan 13 milyan oo qof. In kasta oo SAF sidoo kale lagu eedeeyay dambiyo dagaal, haddana RSF waxaa lagu eedeeyaa xasuuq baahsan, oo ay ku jirto isir-sifeyn ka dhacday Darfur.
In kasta oo aan la filayn in Suudaan ay noqoto mowduuca ugu muhiimsan ee booqashada Aqalka Cad—taasoo diiradda lagu saari doono heshiisyada hubka, garaadka macmalka ah, iyo tamarta nukliyeerka—hadana faragelinta la qorsheeyay ee MBS waxay calaamad u tahay isbeddel diblomaasiyadeed oo la taaban karo oo ku yimid xafiiltanka gobolka.

