26.2 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

DF oo ku dhawaaqday guul wayn oo xalay la gaaray + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday guul wayn oo laga gaaray horumarinta dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, taas oo haatan kadib shaqeyn doonto habeen iyo maalin, si loo fududeeyo howlaha muhiimka ah.

Munaasabad xalay ka dhacday gudaha dekedda ayaa si rasmi ah loogu daahfuray in maalin iyo habeen ay si isku mid ah u shaqeyn doonto Dekadda Muqdisho, islamarkaana la furay isku socodka gaadiidka xamuulka ah ee ka howlgalaya gudaha dekadda.

Daah-furka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), Maareeye ku-xigeenka Dekadda Muqdisho, Madaxa Shirkadda Muqdisho Alport,  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jenaraal Asad Cismaan Cabdullaahi iyo saraakiisha hey’adaha amniga caasimadda.

Tallaabadan ayay dowladdu ku tilmaamtay mid taariikhi ah oo usoo hoyatay shacaka iyo ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana suurageliyay amniga Muqdisho, sida uu sheegay wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in shaqada habeenkii ee dekedda ay kor u qaadi doonto dhaqaalaha dalka, sidoo kalena ay yareyn doonto cariiriga ka jira waddooyinka waa wayn.

“Dekadda oo habeenkii shaqeyneyso macnaheedu waxay tahay dhaqaalihii dalka kobcaayo adeegyadii ayaa fududaanaayo sidoo kale jaamkii ayaa yaraanaayo” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Si guud dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada hambalayo dalkan horay ayuu u dhaqaaqay horaa loo soconayaa, Insha allah”.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa ay dowladdu hormarin ku wadday dekedda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cadde oo kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News