26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Eritrea oo shaacisay in ay Itoobiya iclaamisay dagaal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya “waxay dagaal u iclaaminaysaa” Eritrea, taas oo ku aaddan fikradda helidda bad, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Yemane G/Masqal.

Wuxuu dowladda Abiy Axmed ku eedeeyay inay sharraxayso sababo ay u aragto ku filan si ay dagaal ugu qaaddo Eritrea, sida uu ku qoray bartiisa X.

“Waxay aflagaaddo ku tahay madax-bannaanida Eritrea in si joogto ah loogu dhawaaqo ‘waa in aan xoogag milatari ka samaysannaa Badda Cas’ si xoog ah,” ayuu bartiisa X ku qoray Yemane G/Masqal.

Wuxuu sidoo kale Itoobiya ku eedeeyay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ka shaqaynaysay sidii ay isaga dhigi lahayd “mid ku taagan is-difaacid” si ay dagaal ugu qaaddo Eritrea.

Maxay Itoobiya tiri?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dr. Gideon Timothy, ayaa dhowaan sheegay in dowladda federaalka aysan ka sii aamusnaan doonin in ay qaaddo tallaabo ka dhan ah “xadgudubka” ay Eritrea ku samaysay “madaxbannaanida dhuleed” ee Itoobiya.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay “muhiimad sare” dowladda federaalka, sababtuna uu ku sheegay in ay “ku maalgeliyeen hanti badan dekedda Cassab ka hor iyo kaddib markii ay Eritrea ka go’day Itoobiya.”

Dr. Gideon hadalkaas waxa uu shalay ka sheegay madal siyaasadeed oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adda Horn Review iyo Jaamacadda Addis Ababa.

Wasiirka waxa uu madasha ka hadlay siyaasadda Itoobiya ee la xiriirta waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay gobolka Geeska Afrika. Madasha waxaa sidoo kale joogay diblomaasiyiin iyo safiirro ka kala socday dalal badan.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda waxa uu diiradda saarayay xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Waxa uu sheegay in khilaafka muddada dheer soo jiray ee u dhexeeya labada dal uusan ku ekeyn dekedo iyo bad kaliya. Hadalka wasiirka oo dhameystiran waxaa lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee keenay khilaafka ayuu ku sheegay wasiirku in ay tahay faragelinta dowladda Eritrea ay ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya.

“Dowladda Eritrea waxay dareemaysaa in ay xaq u leedahay oo ay kaalin ka qaadato siyaasadda gudaha Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka, isaga oo dhaliilay hoggaanka Eritrea oo uu ku sheegay in ay u janjeeraan adeegsiga dhammaan awood kasta oo ka horjeeda danaha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay hoggaanka dalka in ay “si weyn u doonayaan in ay gobolka ka noqdaan dal taageera dagaallada si ay u gaaraan danahooda.”

Wasiirka wuxuu kaloo ka hadlay arrin kale oo ku saabsan Eritrea oo ah “Siyaasadda Isaiah”, taas oo uu ku sifeeyay mid ku salaysan in jiritaanka Eritrea uu ku jiro dhibaatada, qeybsanaanta iyo degganaansho la’aanta Itoobiya.

Wuxuu u sheegay wasiirku dadkii madasha joogay in Eritrea ay gashay “xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dal iyo dhuleed ee Itoobiya”.

“Hadda ciidamada Eritrea ayaas maamula dhowr deegaan oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka, isaga oo intaas ku daray in goobahaas “ay ka mid yihiin dhulka Itoobiya ee madaxbannaan.”

Wuxuu kaloo ku eedeeyay in dowladda Eritrea ay “faragelin ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya, iyadoo taageero siinaysa kooxaha hubeysan ee ka horjeeda dowladda.”

Dr. Gideon waxa uu sheegay in tallaabooyinka dowladda Asmara ay yihiin wax “ku filan Itoobiya oo ay ku qaadi karto tallaabooyin ay isku difaacdo”, hase yeeshee wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu ay diidday in ay qaaddo tallaabo arrintan la xiriirta.

“Inkastoo Itoobiya ay wajaheyso xadgudubyo halis ah oo lagu sameynayo madaxbannaanideeda dhuleed, haddana kama aysan qaadin tallaabo ay isku difaaceyso,” ayuu yiri wasiirka, oo sheegay in mowqifkan looga fogaanayo dagaalka “uusan ahayn mid sii jiri doona.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu kaloo ka hadlay arrinta ku saabsan doonista Itoobiya ee ah in ay hesho deked. Wuxuu ku celiyay hadalladii hore ee dowladdiisu ee ahaa in arrinta dekedaha ay u tahay “Itoobiya nolol iyo geeri”, isaga oo xusay in 130-ka milyan ee reer Itoobiya ay u baahan yihiin deked la isku halayn karo oo ammaan ah.

Dr. Gideon wuxuu sheegay in dekedda Cassab ay dowladda Itoobiya ugu jirto “mudnaanta koowaad”.

Dr. Gideon wuxuu kaloo ka hadlay “maalgelinta weyn ay Itoobiya ku samaysay dekedda ka hor iyo kaddib markii Eritrea go’day” in ay tahay tan ay mudnaanta koowaad siinayaan. Wuxuu sheegay in dalabka dowladda ee dekedda uu yahay mid cadaalad ah oo macquul ah marka la eego xaaladda dhaqaale ee Itoobiya.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in xiisadda ka dhextaagan labada dal lagu xallin karo oo kaliya “isdhexgal dhaqaale oo goboleed” oo u dhexeeya labada dal. Wuxuu kaloo sheegay Dr. Gideon in doonista Itoobiya ee deked lagu xallin karo habkan.

Wasiirka waxaa la weydiiyay waxa ay noqonayaan tallaabooyinka xiga haddii ay guul-darreystaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee socda. Isagoo taas ka jawaabaya, wasiirka waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka “go’an tahay in ay ka fogaato wax kasta oo keenaya dagaal.”

“Marka la eego xaaladda jilicsan ee ka jirta dhammaan gobolka Geeska Afrika, dagaal kale waa musiibo,” ayuu yiri wasiirka, oo intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay “iska dhaaftay” in arrintan ay kaga aargudato Eritrea.

Dr. Gideon, oo sheegay in dowladda Itoobiya ay “diyaar u tahay wadahadal” si loo beddelo mustaqbalka labada dal, ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay cadaadis saaraan Eritrea.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News