26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Baaritaan lagu sameeyey DNA-da Adolf Hitler oo lagu ogaaday arirmo yaab leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Berlin (Caasimada Online) – Adolf Hitler waxa ay u badan tahay inuu la il-darnaa xaaladda hiddesidaha ee loo yaqaan Kallmann Syndrome, sida ay sheegeen cilmi-baarayaal iyo sameeyayaal filimada dukumintariga ah.

Baaritaanka DNA-da ee dhiigga kaligii-taliyihii Nazi-ga ayaa sidoo kale meesha ka saaray aragtida ah in Hitler uu lahaa asal Yuhuud ah.

Dukumintari cusub oo ciwaankiisu yahay “Hitler’s DNA: Blueprint of a Dictator”, kaasoo la baahiyey Sabtidii, ayaa koox caalami ah oo isugu jirta saynisyahanno iyo taariikhyahanno waxay ku xaqiijiyeen tuhunno ku saabsanaa koritaankiisa jinsiga.

“Falanqaynta DNA-da ayaa burisay khuraafaadkan iyadoo muujisay in xogta hidde-sidaha Y chromosome ay la mid tahay DNA-da qaraabada dhanka labka ee Hitler. Haddii uu lahaan lahaa asal Yuhuud ah (oo ka yimid xiriir dibadda ah), isu-ekaanshahaas ma jireen,” ayay tiri shirkadda soo saartay barnaamijka.

In kasta oo heesaha caanka ah ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka ay ku maadeysteen qaab-dhismeedka jirka Hitler, hadda waa la xaqiijiyay arrintan, maadaama Kallmann Syndrome ay sababi karto in xiniinyaha aysan soo degin iyo xubinta taranka oo aad u yar.

“Cidna weligeed si dhab ah uma sharixin sababta Hitler uusan ugu kalsoonaan jirin haweenka inta uu noolaa, ama sababta loo malaynayo inuusan weligii xiriir hoose la yeelan haweenka,” ayuu yiri Alex Kay oo ka tirsan University of Potsdam.

“Laakiin hadda oo aan ognahay inuu qabay Kallmann Syndrome, tani waxay noqon kartaa jawaabtii aan raadinaynay,” ayuu yiri.

Sida lagu ogaaday baaritaannada, waxa aad u badnayd in Hitler uu qabay Kallmann Syndrome iyo u-nuglaansho xagga xanuunnada autism, schizophrenia iyo bipolar disorder. Si kastaba ha ahaatee, xaaladahan ma sharixi karaan mana qiil u noqon karaan siyaasadaha dagaal-doonka iyo cunsuriyadda ee Hitler.

In ka badan 50 milyan oo qof ayaa lagu qiyaasay inay ku dhinteen Dagaalkii Labaad ee Adduunka, oo ay ku jiraan lix milyan oo Yuhuud ah oo si nidaamsan loo xasuuqay.

Baaritaanka ayaa suurtogal noqday ka dib markii cilmi-baarayaashu ay heleen saamiga dhiigga Hitler oo laga soo qaaday gabal maro ah oo ka mid ahaa kuraasta fadhiga ee uu isku dul toogtay.

Kallmann Syndrome ayaa badanaa keenta “heerarka testosterone-ka oo hooseeya, xiniinyaha oo aan soo degin, waxayna sababi kartaa xubinta taranka oo aad u yar,” ayay tiri Blink Films.

Turi King, oo ah khabiir dhanka hidde-sidayaasha una qaabilsanayd aqoonsiga haraadiga boqorkii Richard III ee xilligii dhexe, isla markaana ka shaqaysay mashruucan, ayaa sheegtay in hidde-sidayaasha Hitler ay dhigeen qaybta dadka ay Naasiyiintu badanaa u diri jireen qolalka gaaska.

“Siyaasadaha Hitler waxay gebi ahaanba ku saleysnaayeen hagaajinta hidde-sidayaasha bini’aadamka (eugenics),” ayay tiri khabiiraddan ku takhasustay DNA-da qadiimiga ah iyo tan dembi-baarista ee University of Bath oo ku taal galbeedka England.

“Haddii uu awoodi lahaa inuu eego DNA-diisa… hubaal isaga ayaa is diri lahaa,” ayay tiri.

Dukumintarigan oo ka kooban laba qaybood ayaa ka billowday Channel 4 ee UK Sabtidii.

- Advertisement -

Read more

Local News