28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xogta duqeymo iyo dagaal culus oo ka dhacay Calmiskaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo xooggan iyo dagaal toos ah oo ay maanta ciidamada Puntland oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ku qaadeen deegaanno ay ku dhuumaleysanayeen mleeshiyada kooxda Daacish oo ku yaalla aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Weerarkan ayaa si gaar ah loogu qaaday Ceelka Baarakalaah oo ah fariisin istaraatiiji ah oo ay togga Baallade kaga sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan oo ahad mid kamid ah kuwii ugu xoogganaa ee ka dhaca halkaas uu fuliyay Mareykanka oo taageeraya ciidanka difaaca Puntland, waxaana lagu beegsaday firxadka argagixisada ku sugan halkaasi.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaal foolka fool ah uu goobta ka dhacay, kaas oo dhex-maray ciidanka Puntland iyo maleeshiyaadka ku jira godadka hoostooda, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Daacish ayaa difaacaneysa Ceelka Baarakalaah, waxaana horay ay u sheegtay inay ka hortegtay weeraro ay kusoo qaadeen ciidanka Puntland, si ay u qabsadaan deegaankaas.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana sii soconaya howlgalka oo cir iyo dhul ah, taas oo sii adkeyneysa xaaladda adag ee ka jirta dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Si kastaba, Puntland ayaa  qorsheyneyso in laba todobaad gudahood ay kusoo afjarto dagaalka, si ay ugu dhawaaqdo in laga adkaaday Daacish oo fariisimaha ku leh halkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News