26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

DF Soomaaliya oo diyaarineysa qorshe cusub oo lagu mideynayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa caawa ka qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee guddiga dowladnimada danabeysan, guddigan oo dhawaan uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Guddigan oo qeyb ka ah qorshaha lagu mideynayo nidaamyada maamulka dowladeed iyo horumarinta dowladnimada casriga ah ayaa waxay diiradda saareen qorshaha dalka loogu diyaarinayo hannaan dowladeed oo si buuxda u ah dijitaal.

Shirka oo uu guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Maxamed Soomaali, ahna guddoomiyaha guddiga dowladnimada danabeysan ee XFS, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan wasaaradaha xubnaha ka ah guddiga.

Wasaaradahan ayaa kala ah: Maaliyadda, Qorsheynta, Waxbarashada, Ganacsiga, Caafimaadka, Shaqada, Amniga, Arrimaha Gudaha, iyo sidoo kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS.

Kulanka ayaa looga hadlay mideynta hawlaha dowladnimada danabeysan, dardar-gelinta habraacyada maamulka casriga ah iyo kordhinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda wasaaradaha ay khusayso nidaamka dowladnimada.

Kulanka oo waqti badan qaatay ayaa waxay ugu dambeyn xubnaha guddiga isku raaceen, qodobo ay kamid yihiin:

  1.  In la xoojiyo dadaallada mideynta nidaamyada dowladeed
  2. In la hirgeliyo hannaan mideysan oo lagu maamulo xogaha iyo adeegyada dowladda
  3. In la kordhiyo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Si kastaba, kulankan ayaa ah bilow cusub oo lagu dardar-gelinayo dhismaha dowladnimo casri ah, waana mid muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay dhismaha nidaam dowladeed oo mideysan, hufan, isla markaana adeeggiisu si fudud u gaaro bulshada.

- Advertisement -

Read more

Local News