Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maalintii saddexaad sii wada howl-gallo culus oo ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda deegaanada u dhexeeya degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool.
Howl-gallada ayaa ujeedkoodu yahay in Al-Shabaab looga saaro inta u dhaxeysa labada degmo, si loo xaqiijiyo amniga wadada muhiimka ah ee isku xirta Waajid iyo Xudur.
Ciidamada dowladda ayaa beegsanaya fariisimaha ay kooxda ku leedahay aaggaasi, waxaana la xaqiijiyay in hawlgalladan lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in howlgalka lagu khaarijiyay sarkaal ka tirsan kooxda oo lagu magacaabo Cabdi Boorow, kaas oo qaabilsanaa askaraysiga carruurta iyo ururinta dagaalyahanada cusub.
Deegaanada u dhaxeeya Waajid iyo Xudur, oo Al-Shabaab muddooyinkii dambe ku xoogganaa, ayaa ciidamadu maalintii saddexaad ka wadaan hawlgallo ballaaran oo lagu ciribtirayo kooxda.
Shalay ayey aheyd markii Dowladda Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay aagga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta degmada Xuddur, jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.
Weerarka ayaa lagu dilay ugu yaraan saddex xubnood, halka lagu dhaawacay 10 kale oo ku sugnaa goobta uu howl-galka ka dhacay, sida ay sheegtay dowladdu.
“Howlgalka oo si xeeladeysan loo abaabulay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan saddex dhagarqabe, waxaana lagu dhaawacay in ka badan toban xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.
Sidoo kale ciidamada ayaa soo furtay hub iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, kadib markii ay uga carareen deegaanka lagu weeraray ee Moora-Gaabeey
“Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa sidoo kale ku soo furtay agab ciidan oo ay ku jirtaan hub iyo saanad ay isticmaalayeen kooxaha nabad-diidka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Shabaab, waxaana weli ciidamada ay sii baacsanayaan firxadka Al-Shabaab, sida uu sheegay taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, oo la hadlay warbaahinta ciidamada.

