Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha ugu hambalyeeyay guusha uu soo hooyay garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan.
Garsoore Cumar Cartan ayaa ku guuleystay Billada Garsooraha Sannadka ee Afrika 2025 oo ay guddoonsiyeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF).

“Garsoore Cumar waxaa uu astaan u yahay kartida, hal’adaygga, iyo xirfadda mihnadeed ee heerkeedu sarreeyo ee ay leeyihiin dhallinyaradeennu,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu intaas kusii daray “Cartan wuxuu ku guuleystay in magaca ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo dhallinyarrada si gaar ah uu sare u qaado, isla markaana ku matalo fagaarayaasha caalamka, guushaan taariikhiga ahna kasoo hooyay.”
Garsoore Cumar wuxuu abaalmarintan kula tartamay laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius.
Ugu dambayn, guddiga abaalmarinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkan 2025 uu noqday Garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan.
Hambalyada madaxweynaha iyo aqoonsiga CAF ayaa muujinaya horumarka iyo sumcadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka gaareen garsoorka ciyaaraha, taasoo dhiirrigelinaysa jiilka cusub ee ciyaartoyda iyo garsoorayaasha.

