29.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Farmaajo oo war culus soo saaray kadib guushii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay guusha wayn ee uu Soomaaliya usoo hooyay garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan oo xalay ku guuleystay Billada Garsooraha Sannadka ee Afrika 2025 oo ay guddoonsiyeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF).

Farmaajo ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha uu soo hooyay garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan oo wiil dhalinyaro ah oo firfircoon.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah u boggaadiyay dadaalka uu la yimid garsooraha oo bandhig wayn oo lala dhacay ka sameeyay fagaaraha ciyaaraha ee caalamka.

“Hambalyo iyo bogaadin ayaan u diraynaa Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ku guuleystay garsooraha ugu wanaagsan heer Afrika ee sannadka 2025”. ayuu yiri Farmaajo.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Guushan waxa ay muujinaysaa firfircoonida iyo hal-aburka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sida ay u soo hoyn karaan guulo waaweyn, haddii la siiyo fursado ku habboon iyo garab istaag muuqda”.

Garsoore Cumar wuxuu abaalmarintan kula tartamay laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius.

Ugu dambayn, guddiga abaalmarinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkan 2025 uu noqday Garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan.

Hambalyadan iyo aqoonsiga Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF) ayaa muujinaya horumarka iyo sumcadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka gaareen garsoorka ciyaaraha, taasoo dhiirrigelinaysa jiilka cusub ee ciyaartoyda iyo garsoorayaasha.

- Advertisement -

Read more

Local News