Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii dardargelineysa qorshaheeda la xiriira hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah oo uu haatan ka taagan yahay muran xooggan oo sababay khilaaf u dhexeeya Villa Somalia iyo mucaaradka dalka.
Booliska Soomaaliya oo ka shaqeyn doona amniga doorashooyinka ayaa hadda qaaday tallaabo muhiim ah oo ku aadan doorashooyinka la filayo inay ka bilowdaan magaalada Muqdisho.
Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi ayaa tababar la xiriira arrimaha doorashooyinka usoo xiray 35 sarkaal oo kamid ah ciidanka Booliska, isaga oo u jeediyay dardaaran culus oo la xiriira sugidda amniga doorashada iyo dadka ka qayb-galaya.
Macallin Mahdi ayaa faray saraakiisha uu la hadlay inay dhex-dhexaad u noqdaan xisbiyada tartamaya iyo musharraxiinta ku loolami doono kuraasta golaha deegaanka ee degmooyinka, si ay doorashada u noqoto mid hufan oo si cadaalad ah u dhacda.
“Marka la yiraahdo doorasho dadweyne waa wax loo siman yahay ma aha inaa taqaanid sarkaalka Booliska ah, mana ah qofkii uu yaqaanay inuu ka fadli badan yahay qofka uusan garaneyn dadka tartamaayo ee golaha deegaanka waa kuu siman yihiin xisbiyada waa isku mid ” ayuu yiri Macallin Mahdi.
Waxaa kale oo uu ku daray “Dadka la rabo inay ilaalshaan hufnaanta doorashada iyo habraaceeda waxaa saldhig u ah Booliska waxaana xambaarsan tihiin kalsoonida shacabka”.
Ugu dambeyn wuxuu kula dardaarmay guud ahaan ciidanka sugaya amiga doorashooyinka inay u naxariistaan shacabka, gaar ahaan kuwa nugul ayna ugu adeegaan si cadaalad ah.
“Waxaa idin quseeya qofka muwaadinka ah ee u yimid inuu codeeyo inuu leen galo, dadka jilicsan inaa ilaalisaan, gaar ahaan dadka naafada ah, hooyooyinka iyo waayeellada” ayuu mar kale yiri taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

