29.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Galmudug oo qaaday tallaabo si weyn loo boggaadiyay kadib markii..

Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa si weyn loogu boggaadiyay tallaabadii uu qaaday gelinkii dambe ee shalay, kadib markii uu toogasho ku fuliyay Cabdifataax Cali Xasan oo dhawaan dil ka gaystay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Galmudug ayaa dadajisay toogashada marxuumka oo shalay uun ay dil ku xukuntay Maxkamadda Gobolka Galgaduud, kadib markii ay ku heshay caddeymo muujinaya dil bareer ahaa oo uu 16-kii bishan u gaystay ganacsade lagu magacaabi jiray Deeq Cabdi Jaamac.

Garsooraha Maxkamadda oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xukunka loo fududeeyay, si farriin culus loogu diro shaqsiyaadka dilalka aanooyinka qabiil ka gaysta deegaannada Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay u digayaan maleeshiyaadka beeleelaha ee colaadda ka wada gobollada dhexe oo muddooyinkan ay ka dhacayeen falal fool xun oo ka dhashay aanooyinka qabiil.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ka falceliyay go’aanka deg-degga ah ee ay Galmudug ka gaartay kiiskan, waxayna soo dhaweeyeen in cadaalad uu helay ganacsadihii dhawaan lagu dilay gudaha magaalada Guriceel.

Cabdirisaaq Soomaali: “Qisaasta waxaa idinku sugnaatay nolol Alle kitabkiisa Qur’qanka ku yiri reer Guriceelna guuleysta idin leyahay qofkii dilaa qof asagana waa la dilaa i.a Alle ha naxariisto labadaba”.

Canab Gaani: “Maasha allah xaqiiqdii waa arrin loo baahan yahay, taaasina dadka waa kala badbadayaan”.

Maxamed Xaashi: “Ilaahey ha u naxariisto labda marxuum dadka reer Galmudug oo idinla daga waxaan leeyahay ku deyda bulshada reer Guriceel tilaabada ay qaadeen taasoo ay ka dhaxli doonaan naabad iyo barwaaaqo”.

Ubax Salaad: “Waxaan sugnaaba 6 eedeysane ee dilay hooyadii iyo gabdhaheydiii in tiirka la geeyo galabta Sabtida Insha allah”.

Maxamed Daahir: “Maanta wuxuu dareemay khaladka uu ku dhacay ?se Eebe weyn ha u naxariisto”.

- Advertisement -

Read more

Local News