Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa maanta toogasho ku fuliyay Jeelle Maxamed Cismaan oo ay shalay uun dil ku xukuntay Maxkamadda degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, kadib markii lagu helay fal dil ah.
Ninkan ayaa mindi ku gowracay wiil 14 jir ahaa, isaga oo sidoo kale dhaawacay wiil kale oo yar, waxaana shalay galab lagu riday xukun dil ah oo isla maanta lagu fuliyay.
Jeelle ayaa waxaa horey gacanta ugu soo dhigay Booliska degmada Dhoobley, kuwaas oo baaritaanno dheer kadib kiiska u gudbiyay maxkamadda oo ugu dambeyn go’aan ka gaartay, kadibna toogashada ku fulisay.
Sidoo kale waxaa goobta dilka uu ka dhacay joogay ehellada wiilka yar ee sida arxan darrada ah loo dilay iyo qaraabada eedeysanaha xukunka dilka lau riday, kuwaas oo soo dhaweeyay go’aanka Jubbaland.
Falkaasi naxdinta leh ee lagu gowracay wiilka 14 jirka ahaa ayaa dhacay habeenimo, xilli ay labada wiil ay kasoo laabanayeen Dugsi Quraan, sida uu horay u sheegay Boolisku.
Dadweynaha iyo ehellada ilmaha yar ayaa soo dhaweeyay tallaabada Maxkamadda, maadaama la toogtay gacan ku dhiiglaha oo wajahay wixii uu ka helay cadaaladda.
Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ka falceliyay go’aanka deg-degga ah ee ay Jubbaland ka gaartay kiiskan, waxayna soo dhaweeyeen in cadaalad uu helay wiilkii yaraa ee sida arxan darrada ahayd loogu dilay Dhoobley.
Si kastaba, ha’ahaatee, Waxaa sanadihii u dambeeyay kordhay dilalka aragagaxa ah ee ka dhex dhacaya deegaanada iyo degmooyinka dalka, waxaana ugu dambeeyay fal naxdin leh oo dhawaan lagu gubay oday 70 jir ahaa oo qabiil darteed loogu dilay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.


