27.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

SOMALILAND oo soo saartay amar yaab leh oo ka dhan ah Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in rakaabka ka dhoofaya magaalada Hargeysa ama u soo socda aan la marin karin magaalada Muqdisho (transit to/from Mogadishu).

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo sababo amni darteed, maadaama ay wasaaraddu ku dooday in halis horseedi karto in muwaadiniinta Somaliland ay transit ku noqdaan Muqdisho inta ay safarka ku jiraan.

Wasaaraddu ayaa sheegtay in tallaabadani ay la jaanqaadayso waajibaadka ay ka leedahay ilaalinta badqabka rakaabka, iyadoo raacaysa qodobbada ku jira Lifaaqa 17-aad ee shuruucda ICAO. Sida ku xusan war-saxaafadeedka, laga bilaabo 1-da December 2025, waxaa gebi ahaanba la mamnuucay in rakaab Hargeysa ka dhoofaya ama kusoo socda uu ku hakado Muqdisho.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu wargeliyay inay si deg-deg ah uga saaraan nidaamyadooda tikidhada duulimaadyada transit-ka ee magaalada Muqdisho, maadaama ay arrintu khusayso amniga iyo ilaalinta rakaabka, sida ay sheegtay.

“Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarradda waxa ka go’an ilaalinta shuruucda caalamiga ah iyo kuwa qaranka ee amniga/badqabka iyo duulimaadyada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda.

Tallaabadan cusub waxay kusoo beegmaysaa iyadoo khilaaf ku saabsan maamulka hawada uu weli ka dhex aloosan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo kasii daray markii Muqdisho ay dhaqan-gelisay nidaamka cusub ee dal-ku-galka elektaroonigga, kaas oo dadka Hargeysa u socda ku qasbaya oggolaansho ay soo saarto Dowladda Federaalka.

Somaliland ayaa sidoo kale dhawaan sii deysay in dhammaan diyaaradaha hawadeeda dul mara ay amar ka qaataan garoonka Cigaal ee Hargeysa, iyadoo sheegtay in qayb ka mid ah diyaaradaha ay aqbaleen amarka, halka qaarna ay go’aansadeen inay ka baxaan hawada Somaliland.

Dhanka kale, shirkadaha duulimaadyada ka hawl-gala Somaliland ayaa qaarkood joojiyay in rakaabka Hargeysa u socda lagu qasbo dal-ku-galka Soomaaliya, kadib markii la jabsaday nidaamka dal-ku-galka ee e-Visa, taas oo keentay in xogtooda ay baxdo dad lagu qiyaasay ku dhowaad 35,000 oo qof.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in ay baaritaan ku wado arrintaas iyo sida ay ku dhacday, iyadoo qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si uu usii shaqeeyo nidaamkan cusub.

- Advertisement -

Read more

Local News