26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Kadib guushii taariikhiga, Cumar Cartan oo farriin u diray Soomaalida

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa farriin usoo direy bulshada Soomaaliyeed kadib guushii taariikhiga aheyd ee xalay u soo hooyay Soomaaliya.

Garsoore Cumar Cartan ayaa ku guuleystay Billada Garsooraha Sannadka ee Afrika 2025 oo ay guddoonsiyeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF).

Garsooraha ayaa marka hore u mahad-celiyay bulshada Soomaaliyeed, ee sida weyn ugu farxay guushan qiimaha badan ee waddankeena iyo dadyowgeena Soomaaliyeed usoo hoyatay.

Intaas kadib, Cumar ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku booriyay inay ka fogaadaan wuxuu ugu yeeray “qabyaaladda iyo qurunka”, isla markaana ay mid ahaadaan, si aan adduunka ula tartansiin karno dalkeenna Soomaaliya.

Garsoore Cumar oo Soomaalida si weyn ugu dabaal-degtay guushiisa oo aheyd mid qaran, ayaa waxa uu astaan u yahay kartida, hal’adaygga, iyo xirfadda mihnadeed ee heerkeedu sarreeyo ee ay leeyihiin dhallinyaradeennu.

Cumar wuxuu abaalmarintan kula tartamay laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius. Guddiga abaalmarinta ee CAF ayaa ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkan 2025 uu noqday Garsoorahan Soomaaliyeed.

Tan ayaa muujineysa horumarka iyo sumcadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka gaareen garsoorka ciyaaraha, taasoo dhiirrigelinaysa jiilka cusub ee ciyaartoyda iyo garsoorayaasha.

Hoos ka aqriso qoraalka Garsoore Cumar:

Proud to be Somalian & African

Maanta waa maalin weyn, magaca iyo sumcadda Soomaaliyeedna hawada ayay mareyso.

Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo Soomaali weyn sheegata oo i soo duceysay, kuna faraxday guushan qiimaha badan ee waddankeenna iyo dadka Soomaaliyeed u soo hoyatay.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan leeyahay: adduunka lama tartami karno oo keliya ee xitaa waan ka hormari karnaa, haddii aan wax qabsanno, qabiilka iyo qallooca ka dheeraanno, oo midnimo noqono.

Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo i soo hambalyeeysay. Iiguma soo hambalyeeysan inaad tihiino dadkaygii Soomaaliyeed oo magac dalka u keenay, waxaana ugu horreeya dhammaan madaxda dalka iyo shacabkayga qiimaha badan ee cirka i geeyey, abaalmarintaydana ka dhigay mida ugu qiimaha badan ee CAF ay bixiso sida ay ugu dabbaal-degeen darteed.

WAAN IDIN JECLAHAY, SOOMAALIWEYN

- Advertisement -

Read more

Local News