Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayay Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.
Maxamed Mursal oo qoraal kooban soo saaray, ayaa sheegay in go’aankiisu uu yahay mid uu ku doonayo madax-bannaani buuxda oo ku aaddan aragtidiisa siyaasadeed.
Mursal ayaa xisbigan oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ka hayay xilka guddoomiye ku-xigeenka, kaasi oo maanta uu si rasmi ah u baneeyay, sida uu shaaciyay.
Sababta uu xisbiga uga baxay ayuu ku sheegay in ay tahay sidii uu ugu madax-banaani ugu heli lahaa aragtidiisa siyaasadeed ee gaarka, xilli uu horey qeyb uga ahaa garabkii ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
“Si aan ugu madax-bannaanaado aragtideyda siyaasadeed ee gaarka ah waxaan iska casiley xilkii iyo xubinimada Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal.
Waxa uu sheegay in tallaabadan uu qaaday isagoo tixgelinaya mabaa’di’da xisbiga oo uu sheegay in aysan u oggolaanayn in uu ka shaqeeyo tallaabooyin siyaasadeed oo ka soo horjeeda aragtida iyo go’aannada xisbiga.
Mursal ayaa u mahad-celiyay dhamaan xubnaha xisbiga oo si hufan oo wanaagsan ula soo shaqeeyay muddadii uu ka tirsanaa Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.
Si kastab, go’aanka Mursal ayaa imanaya xilli ay socdaan isbeddello siyaasadeed iyo ololeyaal cusub oo ka jira gudaha dalka, iyadoo siyaasiyiin badan ay dib u qaabeyn ku sameynayaan mowqifyadooda iyo xiriirkooda xisbiyeed.
Hoos ka aqriso warqadda is-casilaadda Mursal:
Taariikh: 21 November 2025
Ujeedo: Is-casilaad ku saabsan xilka guddoomiye ku-xigeenka iyo xubinnimada Xisbiga
Anigoo tixgelinaya mabaa’di’da xisbiga oo aan ii oggolaanayn inaan ka shaqeeyo tallaabooyin siyaasadeed oo ka soo horjeeda aragtida iyo go’aannada xisbiga, iyo duruufahayga gaarka ah ee aan ii saamaxaynin inaan si buuxda uga shaqeeyo howlaha siyaasadeed ee waafaqsan himilada iyo ujeeddooyinka xisbiga.
Waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka Guddoomiye-ku-xigeenka iyo xubinnimada Xisbiga, si aan ugu madax-bannaanaado aragtideyda siyaasadeed ee gaarka ah, isla markaana aan si xor ah diiradda u saaro arrimaha aan aaminsanahay inay muhiim u yihiin siyaasadda dalka.
Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan xubnaha xisbiga oo si hufan oo wanaagsan ila soo shaqeeyay muddadii aan ka tirsanaa Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.
Wabillahi Towfiiq


