26.6 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Faah-faahinta dab xooggan oo caawa ka kacay suuqa Bakaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga kacay qeybta daawada ee Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu soo warramay inuu saameeyay xarumo badan oo halkaasi ku yaalla.

Wararka ayaa tilmaamaya in ganacsatada iyo dadka deegaanka ay wadaan dadaallo lagu daminayo dabka, halka ciidanka dab-damiska ay ku hawlan yihiin xakameynta inuu ku sii faafo qeybo kale oo suuqa ka mid ah.

Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabka, balse warar hordhac ah ayaa muujinaya inuu jiro khasaare hantiyeed oo soo gaaray goobaha ganacsi ee ku dhow halka uu dabku ka bilowday.

Gubashada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa marar badan soo noq-noqotay, lamana oga sababta ka dambeysa dabka caawa kacay.

Wixii faah-faahin ee soo kordha halkan kala soco Insha Allah.

- Advertisement -

Read more

Local News