Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maamullada degmooyinka gobolka Banaadir faray inay si dhow ula shaqeeyaan ururrada siyaasadda, isagoo uga digay carqaladeynta ololaha doorashada.
Guddiga ayaa sheegay in ururrada siyaasadda iyo musharaxiintoodu ay xaq u leeyihiin olole doorasho oo xor ah, sharci iyo anshax ku dhisan.
“Ururada laguma sameyn karo wax kasta oo loo fasiran karo faragelin ama is-hortaag siyaasadeed,” ayuu guddigu ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.
Guddiga ayaa maamullada degmooyinka xasuusiyay in doorkoodu yahay fududeyayaal ee aysan ahayn carqaladeyeyaal, lagana filayo dhex-dhexaadnimo, mas’uuliyad wada-shaqeyn oo lagu aamini karo iyo dhawrista sharciga.
“Maamullada degmooyinka waa in ay fududeeyaan qaadashada kaadhka codbixiyaha goobaha loo asteeyay, ayna si dhow ula shaqeeyaan ururrada siyaasadda iyo hay’adda amniga si loo xaqiijiyo jawi nabdoon,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeed guddiga doorashooyinka.
Digniinta guddiga ayaa imanaysa xilli ururrada qaar ay cabasho ka muujiyeen maamullada degmooyinka oo iyagu inta badan ka tirsan xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Wargelin sharciyeed: fududeynta ololaha doorashada & qaadashada kaadhka codbixiyaha.
GMDQS, isaga oo fulinaya waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha sharci ee ku xusan qodobada 46aad iyo 47aad ee sharciga doorashooyinka qaranka, waxa uu ku wargelinayaa maamullada degmooyinka gobolka Banaadir in ay noqdaan fududeyeyaayal xaqiijiya xorriimada ololaha ururrada siyaasadda iyo helitaanka kaadhka codbixiyaha, iyadoo la ilaalinayo anshaxa, hufnaanta, iyo xasilloonida bulshada.
Tilmaamo sharci iyo digniin
1. Ururrada siyaasadda iyo musharaxiintoodu waxay xaq u leeyihiin olole doorasho oo xor ah, sharci iyo anshax ku dhisan, lagumana sameyn karo wax kasta oo loo fasiran karo faragelin ama is-hortaag siyaasadeed.
2. Maamullada degmooyinka waa in ay fududeeyaan qaadashada kaadhka codbixiyaha goobaha loo asteeyay, ayna si dhow ula shaqeeyaan ururrada siyaasadda iyo hay’adda amniga si loo xaqiijiyo jawi nabdoon.
3. GMDQS waxa uu tixgelinayaa cabashooyinka sharciyeysan ee ururrada, balse uma dul-qaadan doono eedeymo ama cabashooyin keeni kara hurin bulsho, carqalad amni, ama dhaawac ku yimaada hufnaanta, kalsoonida iyo danta guud ee doorashada.
4. Maamullada degmooyinka waxa la xasuusinayaa in doorkoodu yahay fududeyayaal (Facilitators) ee aysan ahayn carqaladeyeyaal (Obstructors), lagana filayo dhex-dhexaadnimo, mas’uuliyad wadashaqeyn oo lagu aamini karo iyo dhawrista sharciga.
Gunaannad
GMDQS waxa uu ku kalsoon yahay in maamullada degmooyinka gobolka Banaadir ay sii adkeyn doonaan iskaashiga iyo fududeynta geedi-socodka si muwaadiniintu u helaan adeeg doorasho oo siman, hufan, oo ammaan ah.
-Dhammaad-

