24.9 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Yaasir Abuu Shabaab – Daba-dhilifkii loogu doon-doonista badnaa Gaza oo la khaarajiyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaza (Caasimada Online) — Warbaahinta Israa’iil ayaa xaqiijisay in Khamiistii la soo dhaafay Marinka Gaza lagu khaarajiyay Yaasir Abuu Shabaab, oo ahaa hoggaamiye maleeshiyo, isla markaana ah shakhsiga ay Xamaas aadka u baadigoobaysay, laguna tilmaamo inuu gacan-saar dhaw la lahaa Israa’iil. 

Inkastoo warbaahinta Israa’iil ay baahisay warka dilkiisa, haddana ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda fulisay hawlgalka iyo qaabka loo beegsaday toona. Waxaase la xaqiijiyay in lagu dilay magaalada Rafax ee koonfurta Gaza, aaggaas oo ah mid ay haatan si buuxda gacanta ugu hayso Israa’iil.

Abuu Shabaab ayaa muddo laba sano ah oo uu socday xasuuqa Gaza si toos ah ula shaqeynayay ciidamada Israa’iil, isagoo caan ku ahaa boobka gargaarka bini’aadannimo, afduubka, iyo dilka dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada Xamaas intaba.

Dambiilahan caanka ah ayaa haystay hub iyo taageero dhanka cirka ah oo ay siinayeen ciidamada Israa’iil, isagoo saldhig ka dhigtay bariga Rafax tan iyo markii uu soo shaac-baxay.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan dhimashadiisa, shacabka Gaza ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay u dabaaldegaan, iyagoo qeybinaya macmacaan, ridayana rasaas ay ku muujinayaan farxadda laga dareemay dilka ninkan. Ciidamada amniga ee Xamaas ayaa hore u wacad ku maray inay soo qaban doonaan intii uu socday dagaalku, in kastoo kooxdu aysan weli war rasmi ah ka soo saarin dilkiisa.

Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil ayaa weriyay in Abuu Shabaab markii la beegsaday ay ciidamada Israa’iil u qaadeen Isbitaalka Soroka, halkaas oo markii dambe lagaga dhawaaqay dhimashadiisa, in kastoo maamulka isbitaalku uu warkaas beeniyay.

Amit Segal, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Channel 12, ayaa dilka ninkan ku tilmaamay “dhacdo xun oo u soo hoyatay Israa’iil.”

Taariikhda madow ee ‘ciidamada shacabka’

Kooxda uu hoggaamiyo oo loo yaqaan “Ciidamada Shacabka” (Popular Forces), ayaa kooxaha Falastiiniyiintu ku tilmaameen “khaa’iniin” u adeega cadowga, kuwaas oo ku lug leh boobka gargaarka iyo xiriir ay la leeyihiin kooxda Daacish.

Inkastoo Abuu Shabaab uu kooxdiisa ku sheegi jiray mid ka soo horjeedda xukunka Xamaas, haddana warar badan ayaa xaqiijinaya inay ku kaceen falal baad ah iyo boobka gargaarka, iyagoo la shaqeynaya Sanduuqa Gargaarka Bini’aadannimo ee Gaza (GHF) oo Mareykanku taageero, kaas oo lagu eedeeyay dhimashada boqolaal Falastiiniyiin ah.

Wareysi uu horraantii sannadkan siiyay idaacadda rasmiga ah ee Israa’iil (Makan), ayuu Abuu Shabaab ku faanay in maleeshiyadiisu ay “si raaxo leh” uga hawlgasho aagagga ay maamusho Israa’iil, isagoo qiray inay xogta la wadaagaan ciidamada Yuhuudda, ayna helaan taageero dibadda ah. Hase yeeshee, hoggaamiyahan 35-jirka ah ayaa markii dambe iska fogeeyay wareysigaas, isagoo wargeyska Yedioth Ahronoth u sheegay inaanu waligiis la hadlin warbaahinta Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa hore u qiray inuu hubeeyay kooxda uu hoggaamiyo Abuu Shabaab.

Warbixin qarsoodi ah oo Qaramada Midoobay ay soo saartay sannadkan 2024 ayaa kooxdan ku tilmaantay “awoodda ugu weyn ee ka dambeysa boobka nidaamsan ee lagu hayo kolonyada gargaarka.”

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli Israa’iil ay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray bishii Oktoobar ku dhowaad 600 oo jeer, halkaas oo ay ku dishay in ka badan 360 qof, ayna ku dhaawacday 900 oo kale.

Sidoo kale, Israa’iil waxay weli hortaagan tahay isu-socodka bukaanada iyo gargaarka ee marinka Rafax, taasoo xadgudub ku ah heshiiskii la wada gaaray.

- Advertisement -

Read more

Local News