28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Sweden oo wafdi culus usoo dirtay Muqdisho + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ka socda dowladda Sweden, kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana hoggaaminaya Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden Mr. Benjamin Dousa.

Inta lagu guda jiray soo dhaweynta oo ka dhacay qeybta qaabilaadda garoonka (VIP) ayaa labada Wasiir waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada dal iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn miro dhal ah, oo dhex-marta labada dhinac si loo sii ballaariyo iskaashiga Stockholm iyo Muqdisho.

Ujeedka socdaalka Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda Dowladda Sweden oo qaadan doona laba cisho ayaa la xiriira xoojinta xiriirka labada dal iyo in lasii amba qaado heshiisyadii hore ee labada dowladood.

Wxaa kale oo la filayaa in uu kulamo muhiim ah la qaato masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si looga wada hadlo maalgalinta mashaariic horumarineed oo haatannay Dowladda Soomaaliya danaynayso in la maalgaliyo.

Sweden ayaa maalmihii u dambeeyay wadday dhaq-dhaqaaqyo culus oo la xiriira Soomaaliya iyo qorshe kale oo la xiriira tarxiilka qasabka ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib looga soo celinayo dalkaasi.

Si kastaba, Dadkan la celiyay ayaa 14 kamid ah lagu sifeeyay inay ahaayeen shaqsiyaad horay dambiyo u galay. Xogta ayaa sidoo kale iftiimineysa koror ballaaran oo ku yimid tirada dadka sida qasabka ah loogu celinayo Soomaaliya, taasoo sanadkii 2023 ahayd lix qof oo keliya, balse sanadkii 2024 gaartay 29 qof.

 

- Advertisement -

Read more

Local News