Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa si adag ugu jawabay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, isaga oo si cajiib ah ugu Caqli celiyay.
Shariif oo dhawaan bixiyay wareysi dhaliyay falcelin xooggan, kaas oo uu uga hadlay xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay amniga ka jira caasimada, taas oo dhalisay dood culus, maadaama haatan Muqdisho laga dareemayo xasilooni weyn oo dhinaca ammaanka ah.
“In la yiraahdo magaalada waa amni doorasho xur ah oo xalaal ah ayaa ka jirta aniga waxaan u arkaa nasiib daro aad u weyn iyo wakhti la beel-dareynaayo iyo lacag lagu ciyaaraayo” ayuu Shariif ku yiri wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da.
Intaas kadib Cali Cosoble oo soo jawaabay ayaa sheegay in Shariif ay mucaaradnimadii la gashay in a siyaasadeeyo amiga, shacabkana lagu cabsi geliyo Al-Shabaab.
“Waxaa la yirahdaa nimey hal ka maqan tahay haan ayuu gacanta geliyaa. Sharifka mucaradnimadii ma wexey la gashay inuu Shabab ku cabsi geliyo shacabka ku nool caasimadda ee u diyaar garoobay iney doortaan wakiiladii ku matali lahaa maamullada degmooyinka iyo Gobolka Banadir.” ayuu yiri Madaweynihii hore ee HirShabelle.
Sidoo kale, wuxuu talo u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna yiri ” Waxaan gartay inaan ku siiyo talo odeynimo waxaana rajeynayaa iney idin anfacdo adiga iyo saaxiibadaa” ayuu yiri Cosoble, wuxuuna usoo jeediyay saddexda qodob ee hoose:-
- Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah inuu hey’adaha amniga la wadaago xogta uu ka hayo cadawga umadda; halka ay ku dhuumaaleysanayaan, inta ay gaareyso tiradooda iyo qaabka ay doonayaan iney u fuliyaan qorshayaashooda.
2. La wadaagid la’aanta hey’adaha qaabilsan amniga xogta laga hayo cadawga waa dambi.
3. Warbaahinta iyo baraha bulshada oo lagu baahiyo khatar aan jirin si khalkhal loo geliyo shacabka ayadoo ujeedka uu yahay in laga hor istaago doorashooyinka qaranka waa dambi.


