27.4 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Bashar al-Assad oo dib ugu laabanaya shaqadiisa hore

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Moscow (Caasimada Online) — Sannad kaddib markii jabhaduhu afgambiyeen taliskiisii, xulafadiisa Ruushkuna ay si qarsoodi ah ku geeyeen magaalada Moscow, Bashar al-Assad ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay fasalka waxbarashada—isagoo baranaya luuqadda Ruushka, isla markaana dib u soo nooleynaya aqoontiisii dhakhtarnimada indhaha oo ahayd xirfaddii lagu yiqiin ka hor inta uusan siyaasadda soo gelin, sida uu daabacay wargeyska The Guardian.

Assad, oo ah dhakhtar indho oo ku soo takhasusay magaalada London, awooddana ka dhaxlay aabbihii sannadkii 2000, ayaa magaalada Dimishiq isaga cararay saacadaha hore ee 8-dii December 2024, xilli ay kooxaha mucaaradku ku soo dhawaayeen caasimadda. Kaddib markii ciidamada Ruushku ay kala bexeen saldhigga cirka ee Hmeimim, ninkii birta adkaa ee Bariga Dhexe maamuli jiray ayaa hadda u muuqda mid dib u fekeraya, kuna laabanaya xirfaddiisi hore.

Arrintan uma muuqato dib-u-soo-kabasho siyaasadeed, balse waa dib-u-laabasho uu ninkani ku raadinayo aqoonsigii uu ka tagay, isagoo ku jira nolol ay hareereeyeen dhaqaale iyo masaafuris, balse ay xaddidayaan shuruudo adag oo kaga yimid aqalka Kremlin-ka.  

Sida uu qoray The Guardian, Assad iyo qoyskiisu waxay hadda ku nool yihiin nolol xasilloon balse si aad ah loo maamulo, oo u qaybsan Moscow iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, iyagoo ku tiirsan koox yar oo xiriir dhow la leh, kana fogaanaya indhaha warbaahinta iyo dadweynaha. 

Labo ilo-wareed oo wargeysku soo xigtay ayaa xaqiijiyay in qoysku deggen yahay xaafadda Rublyovka, oo ah deegaan u gaar ah maalqabeennada iyo madaxda sare ee Ruushka, kuwasoo guryo waaweyn ku leh galbeedka Moscow—waana goob horay u martigelisay hoggaamiyeyaal kale oo xukunka laga tuuray, sida Viktor Yanukovych-kii Ukraine.

Inkastoo ay haystaan nolol raaxo leh, haddana go’doon ayaa astaan u ah xaaladdooda cusub. Dowladda Ruushka ayaa la sheegay inay Assad ka mamnuucday wax kasta oo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah iyo xitaa inuu warbaahinta soo hor istaago. Safiirka Ruushka u fadhiya Ciraaq ayaa dhawaan sheegay in Kremlin-ku aanu oggolayn in hoggaamiyaha la riday uu ku lug yeesho siyaasadda.

Aamusnaanta Assad ayaa si weyn uga duwan jawigii fowdada ahaa ee saacadihii ugu dambeeyay xukunkiisa. Ciidamada kacdoonka waday oo ay hoggaamineysay kooxda Hayat Tahrir al-Sham ayaa si xowli ah ku jiiray Suuriya, taasoo soo afjartay in ka badan nus-qarni oo qoyska Assad ay dalkaas xukumayeen.

Assad ayaa baxsaday isagoon wax digniin ah siin xulafadiisa iyo xitaa qaraabadiisa dhow, taasoo abuurtay ciil iyo uur-ku-taallo ay qabaan xubnihii hore ee taliskiisa, kuwaas oo aaminsan inuu iyaga uga cararay si uu naftiisa u badbaadiyo. 

Dib-u-noqoshada uu Assad u noqday daraasaadka caafimaadku waxay xambaarsan tahay farriin siyaasadeed oo qoto dheer oo laga dareemayo gudaha Suuriya.

Sawirkii hore ee Assad loogu arkayay “casriyeeye” reer galbeedka wax ku soo bartay, ayaa isku beddelay madaxweyne dagaal-ooge ah oo gacan bir ah wax ku xukuma kaddib kacdoonkii 2011 ka billowday magaalada Daraa, halkaas oo dhallinyaro lagu xirxiray qoraallo ay darbiyada ku xardheen oo ka dhan ahaa dowladda.

Xiisaddaas ayaa ugu dambeyn isku beddeshay dagaal sokeeye oo wajiyo badan, kaasoo soo jiitay quwado gobolka ah iyo jihaadiyiin caalami ah, islamarkaana socda 14 sano.

Inkastoo hay’adaha la socodka colaaduhu ay warinayaan in tirada guud ee dhimashadu ay dhaaftay 600,000 oo qof, haddana Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa diiwaangeliyay ugu yaraan 306,887 qof oo rayid ah oo naftooda ku waayey intii u dhaxeysay bishii Maarso 2011 illaa Maarso 2021.

QM ayaa si adag uga digtay in tiradan rasmiga ah ay tahay mid aad uga yar xaqiiqada dhabta ah ee khasaaraha nafeed ee jira.

Marxaladda kala-guurka ee Suuriya kaddib bixitaankii Assad ayaa weli ah mid cakiran oo aan cago adag ku taagnayn.

Hoggaanka cusub ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo 2025 u magacaabay Axmed Al-Sharaa inuu noqdo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, iyagoo dhanka kalena hakiyay ku-dhaqanka dastuurka dalkaas.

Hase yeeshee, xaaladda ayaa ku sigatay in ay faraha ka baxday bishii Maarso, kaddib markii falal aargoosi ah oo ka dhacay gobollada xeebta ay sababeen dhimashada in ka badan 1,000 qof muddo labo maalmood gudahood ah, sida ay xaqiijiyeen kormeerayaasha dagaalka.

Warbixin guud oo ay Qaramada Midoobay ka soo saartay xaaladda bani’aadannimo ayaa lagu qiyaasay in in ka badan 16.5 milyan oo Suuriyaan ah ay weli u baahan yihiin gargaar degdeg ah, inkastoo Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) ay diiwaangelisay koror ku yimid dadka dalkooda dib ugu laabanaya.

Dhanka kale, Bangiga Adduunka ayaa qiyaasaya in dib-u-dhiska dalka burburay uu u baahan yahay dhaqaale gaaraya illaa $216 bilyan.

- Advertisement -

Read more

Local News