25.9 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Mucaaradka oo shaaciyey in ay dowlad kale ka garab dhisayaan Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in ay dowlad kale ka garab dhisaan Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu ku sii adkeysto hanaanka doorasho ee aan heshiiska lagu aheyn.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mucaaradka ayaa sheegaya in shirweynaha Kismaayo ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad cusub, balse marka hore ay fursad siinayaan Madaxweynaha Soomaaliya, si uu dib isku daba qabto.

“Wejiga labaad waaye haddii Madaxweynaha xilka haya ee afarta bil u dhiman tahay uu sii wado ruwaayada, laakiin wejiga koowaad waa in Golaha Mustaqbalka iyo umadda Soomaaliyeed shir loo qabto,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Wejiga koowaad waxaa isku arkaya Golaha Mustaqbalka, kan xigana umadda Soomaaliyeed, xisbiyada iyo musharaxiinta qeybta ka aheyn golaha ayaa iskugu imanaya si go’aan u gaaraan.”

Jeesoow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in haddii muddo xileedka Madaxweynaha uu dhamaado Golaha ay gaari doonaan go’aanno masiiri ah oo lagu badbaadinayo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Afar bilood iyo gobolka Banaadir aan gole deegaan ka dhisaa ma soconeyso. Meel ay tegi karto ma jirto, in been been xisbiga JSP kusoo saartaan halkee ayey tagi karaan? JSP uu sheegayo waa Xasan 1, Xasan 2 iyo Xasan 3 waaye,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu noqdo midka ugu weyn ee mucaaridku qabsado, iyadoo qaban-qaabadiisa wadaan Jubaland, Puntland iyo Madasha Mucaaridka oo ku midaysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo qeyb ka aheyn golaha ay qeyb ka noqdaan.

Shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri bayaan dhawaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News