25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Thabit Cabdi oo madaxweyne Xasan Sheekh uga digay in uu dadka gobolka Banaadir…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan hanaanka doorashada dalka, xilli Dowladda Federaalka ay magaalada Muqdisho ka qabanayso doorasho qof iyo cod.

Thaabit ayaa wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uga digay in uusan bulshada gobolka Banaadir ku kala qeybin doorasho sharci darro ah oo garsoor laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasanow, min fadlak dadka Gobolka Banaadir haku kala qaybin doorashada sharci darrada ah oo aan lahayn garsoore caadila iyo calan-wade xeer-illaaliye ah, midna,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu si adag uga digay khatarta aan la dhayalsan karin ee kasoo socota doorashada aan la isku raacsanayn ee la qaban-qaabinayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Hoos ka aqriso qoraalka Thaabit

Madaxweyne Xasanow, min fadlak dadka Gobolka Banaadir haku kala qaybin doorashada sharci darrada ah oo aan lahayn garsoore caadila iyo calan-wade xeer-illaaliye ah, midna.

Madaxweynow labbo mar baad Madaxweyne noqotay, waxaase ugub ah in Guddi Doorasho Qaran oo lagu muransan yahay iskaba daayee xitaa Guddi sharci ah ee heer Doorasho Qaran uusan qaban karin doorasho Gole Deegaan.

Soomaaliya hadda warkeedaba daa, ee Madaxweynow reer Muqdisho oo ceeshow-milix ah ha sii kala qaybin, awal baaba doorashadan sharci darrada ah lagu faquuqay Degmada Kaxda, Daarusalaam, Garasbaaley iyo Gubadley oo canshuur bixiyayaal ah.

- Advertisement -

Read more

Local News