Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay safar uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudan Xasan Sheekh Maxamuud ku aaday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.
Madaxweyne Xasan oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Addis Ababa, ayaa isla shalay kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, kaas oo ka dhacay magaalada caasimada ah e Addis Ababa.
Xasan Sheekh iyo Abiy ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraamka, daris wanaag iyo danta guud ee labada dowladood, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika.
Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee Itoobiya oo saacado kooban ah ayaa imanaya kadib shirka Kismaayo, ee u dhaxeeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyo maamullada Puntland iyo Jubaland.
Haddaba sidee looga falceliyay safarka Xasan Sheekh ee Itoobiya?.
Maxamed Maxamuud: “Madaxwaynaha maxa laga siiya Itoobiya?”.
Samatar: “Madaxwaynaha kaliya ee marka la caayo marna la dhaho ii kaalay canjeero Xabashi kulul baa kuu hayaa waa kuwa Somalia Madaxwaynayaasha ka noqdo”.
Faysal Garaad: “Madaxweynaha aduunka ugu safarka badan. Madaxda aduunku xitaa telefoon bay ku xidhiidhaan”.
Axmed Nuur: “Marka xaalku ku adkaado ayuu Abiy Xasuustaa”.

