26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Madaxweyne Xasan oo si kulul uga hadlay shirka Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay munaasabad loogu dabaal-dagayay sanad-guurada 82-aad ee aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo hadal qaaday shirka Golaha Mustaqbalka ee ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul-goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weerar ku qaaday xubnaha mucaaradka ee u safray magaaladaas, kuwaas oo horay shirarkooda ugu qabsan jiray hoteel Jaziira ee magaalada Muqdisho.

“Hoteel Jaziira ayey ku shiri jireen magaran karo caqliga marka ay Kismaayo aadeen ku soo dagaayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Mas’uuliyiin dalkan laga yaqaano ayaa tihiin bannaanka ayaan taagnaaneynaa ma rabno iyo qaylo ayaan bannaanka la taagnaaneynaa. Qofka inta uu hadlaayo waa xor qof la aamusinaayana ma jirto”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, intaasi kusii daray in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin in xubnaha ku shiray Kismaayo oo ay ku jiraan madaxda Jubbaland iyo Puntland inay kala doodaan tabashadooda, si xal loo gaaro.

“Walaalaha Xamar iyo meelaha kale isaga kala yimid waxaan leenahay haddii aad isku timaadeen tashada is raaca si la fahmi karo isku raaca ra’yina la imaada waa idin kala doodeynaa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo maalintii 3-aad uu galay shirweynaha ka socda Kismaayo oo la filayo inay kasoo baxaan go’aanno xasaasi ah oo  ku aadan doorashooyinka, gaar ahaan qorshaha Villa Somalia ee qof iyo codka ah.

Si kastaba, Doorashooyinkan oo qof iyo cod ah, laguna soo dooran doono goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay dhacaan 25-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota, waxaana weli halkeedii ah diidmada mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo bannaanka jooga.

- Advertisement -

Read more

Local News