25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Nin Al-Shabaab ay u dirtay in uu Mareykanka ka fuliyo weerar la mid ah kii 9/11 oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) — Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa Isniintii xukun xabsi daa’in ah ku ridday Cholo Cabdi Cabdullaahi, oo ah nin u dhashay dalka Kenya, kaas oo tababar duuliyenimo qaatay isagoo qorsheynayay inuu afduubo diyaarad rakaab, kaddibna uu ku dhufto dhismo dabaq dheer ah oo ku yaalla Mareykanka, isagoo ka amar qaadanaya kooxda Al-Shabaab.

Xukunkan oo ka dhacay Maxkamadda Federaalka ee New York ayaa soo afjaraya baaritaan caalami ah oo muddo dheer qaatay, kaas oo daaha ka rogay damaca dhabta ah ee Al-Shabaab ay ku dooneyso inay weeraro uga geysato gudaha Mareykanka. Kiiskan ayaa meesha ka saaray malo-awaalkii hore ee ahaa in kooxdu ay diiradda saarto oo keliya arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Bishii Nofembar ee sanadkii hore, xeer-beegti federaal ah ayaa Cabdullaahi, oo 35 jir ah, ku heshay dambi ah inuu maleegayay shirqool lagu dilayo muwaadiniin Mareykan ah iyo falal argagixiso oo ka gudba xuduudaha dalalka. Isniintii, Garsoore Analisa Torres ayaa ku dhawaaqday xukunka ugu sarreeya ee sharciga, taasoo ka dhigan in ninkan uu inta noloshiisa ka dhiman ku qaadan doono xabsiga federaalka.

“Cholo Cabdi Cabdullaahi wuxuu ahaa xubin si heer sarre ah u tababaran oo ka tirsan Al-Shabaab, kuna taamayay inuu dib u soo celiyo weeraradii argagixiso ee naxdinta lahaa ee 11-kii September,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Jay Clayton oo war-saxaafadeed soo saaray dhageysiga kadib. 

Clayton ayaa hoosta ka xariiqay go’aanka adag ee ninkan, isagoo xusay in Cabdullaahi uu “si buuxda ugu diyaar garoobay inuu dhinto” si uu u fuliyo hawlgalkaas. 

Bartilmaameedka Atlanta

Sida ku cad dokumeentiyada maxkamadda iyo caddeymihii la horkeenay xeer-beegtida, eedeysanuhu wuxuu si gaar ah u calaamadsaday bartilmaameedkiisa: dhismaha loo yaqaan Bank of America Plaza ee magaalada Atlanta, gobolka Georgia, kaas oo ka kooban 55 dabaq. 

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in Cabdullaahi uu sanado badan ku bixiyay u-gogol-xaaridda weerarkan, isagoo amarro toos ah ka qaadanayay saraakiil sar-sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Soomaaliya.

Intii u dhaxeysay 2017 iyo 2019, wuxuu iska diiwaangeliyay dugsi lagu barto duulista oo ku yaalla dalka Filibiin (Philippines), halkaas oo uu ku dhammeystirtay ku dhawaad dhammaan shuruudihii looga baahnaa shatiga duuliyenimada ganacsiga.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa caddeeyay in Al-Shabaab ay kumanaan doollar u dirtay Cabdullaahi si looga bixiyo qarashka waxbarashada, lacagahaas oo kasoo xarooday shabakadda baadda ee kooxdu ku leedahay gudaha Soomaaliya. 

Farriin sir ah oo uu u diray madaxdiisa, ayuu Cabdullaahi ku bixiyay qiimeyn farsamo oo naxdin leh oo ku saabsan afduubyadii hore ee diyaaradaha.

“Afduubkii kaliya ee guuleystay wixii ka dambeeyay 9/11 wuxuu ahaa… mid uu fuliyay duuliyihii laftiisa,” ayuu qoray, isagoo ku soo gaba-gabeeyay in si uu u guuleysto, ay lagama maarmaan tahay inuu diyaaradda ka maamulo gudaha qolka duuliyaha (cockpit).

‘Hawlgalka Qudus’

Saraakiisha Mareykanka ayaa xiriiriyay shirqoolkan iyo olole istiraatiijiyadeed oo ballaaran oo la billaabay 2018, kaas oo loogu magac daray “Hawlgalka Qudus Weligeed Ma Yahuudaysobo” (Operation Jerusalem Will Never Be Judaized). 

Hindisahan ayaa dhaliyay weeraro dhowr ah oo caan baxay, waxaana ugu weynaa weerarkii Janaayo 2019 lagu qaaday dhismaha hoteelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.

Xiriirka ka dhexeeya weerarkii Nairobi iyo qorshaha Cabdullaahi ee Mareykanka ayaa ahaa mid shaqsi ah. Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa shaaciyay in sarkaalkii Al-Shabaab ee hagayay Cabdullaahi—kaas oo tababarkiisa duulista kala socday Soomaaliya—uu ahaa isla sarkaalkii soo agaasimay weerarkii DusitD2.

Ciidamada ammaanka ee Filibiin ayaa xiray Cabdullaahi bishii Luulyo 2019 iyagoo u haystay dambiyo maxalli ah, tallaabadaas oo hakisay wajigii ugu dambeeyay ee hawlgalka. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa la wareegay bishii Disembar 2020 si uu u wajaho dambiyo argagixiso oo heer federaal ah.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud, John A. Eisenberg, ayaa sheegay in xukunka xabsi daa’inka ah uu ka tarjumayo heerka halista ee khatartan.

“Waxaan fashilinnay shirqoolkan anagoo kaashaneyna dadaalka hagar la’aanta ah ee hay’adaha fulinta sharciga Mareykanka, sidaasna waxaan u badbaadinay nolosha dad badan oo aan waxba galabsan,” ayuu yiri Eisenberg.

- Advertisement -

Read more

Local News