27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Daawo: Mucaaradka oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah doorashada berri

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee qaybta ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoteelka Jaziira ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Xubnahan oo ay kamid yihiin Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaareyaal hore oo dalka soo maray ayaa ku dhawaaqay go’aanno xasaasi ah oo ka dhan doorashooyinka golaha deegaanka ee beri oo Khamiis ah ka dhaceysa qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Golaha ayaa marka hore ku eedeeyay kooxda Villa Soomaaliya in lacagihii ummadda Soomaaliyeed ay u adeegsadeen xisbigooda iyo ololaha doorashada, isla markaana doorashada beri dhaceysa ay tahay mid hal dhinac ah.

“Kaliya meeshaan waxaa isugu nimid inaan idin sheegno shacabka Soomaaliyeedna u sheegno in ayaan darro ay tahay in xooggii iyo xoolihii ummadda Soomaaliyeed la geliyay meel aan ognahay inaanay natiijo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed yadadiilo u horseedaayo aanay kasoo baxayn” ayuu yiri Musharrax Xasan Cali Khayre oo u hadlay mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada la iclaamiyay in beri ay ka dhaceyso caasimada, isaga oo tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aan nahay Madasha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inaan shacabk Soomaaliyeed u caddeyno inaan doorashadaas aaminsaneyn in doorasho sax ah tahay inaanan aaminsaneyn natiijada kasoo baxeysa inay tahay natiijo sax ah inaan aaminsaneyn inay waafaqsan tahay shuruucda iyo nidaamka dalka u dagsan” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaare hore Khayre.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan aaminsanahay inaan aaminsanahay doorasho ay tahay in qolo ay sameysatay si ay isugu deydo inay tiraahdo doorasho ayaan qabanay si ay u raadiso muddo kordhin aan laga qabali doonin”.

Shariif Sheekh Axmed oo dhankiisa ka hadlay shirka jaraa’id ayaa tilmaamay in doorashadan aysan waxba soo kordhin doonin, isla markaana ay tahay waqti lumis, ujeedaduna tahay muddo kororsi, taasna ay kasoo horjeedaan.

“Doorasho beenaadka beri dhaceyso waxba iskama badalayaan, maxaa yeelay guddoomiye gobol lama dooranaayo, mana ogolin muddo kororsiga ay rabto dowladda” ayuu isaguna yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd.

Xubnaha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa si wayn u saluugsan qaabka ay wax u wado dowladda Soomaaliya, waxayna kol-hore ka istaageen bannaanka.

Dhawaan ayay ahayd markii ay tageen Kismaayo oo ay kula soo shireen madaxda Jubbaland iyo Puntland, iyaga oo soo saaray go’aanno ka dhan ah doorashada qof iyo codka ah ee ay haatan qaban qaabineyso Villa Somalia.

Golaha ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo sidoo kale goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Dhinacyada ayaa sidoo kale isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan in ay guda geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.


- Advertisement -

Read more

Local News