28.6 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga oo ku dhintay qarax miino oo lagula eegtay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarkaalkan, oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdullaahi, kana mid ahaa saraakiisha da’da yar, laguna yaqaanay Sandhiiqo, ayay miinadu ku haleeshay deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo hoos yimaadda dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa askarta tababarka ku soo qaadatay xerada TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in markii miinadu haleeshay sarkaalkan uu soo gaaray dhaawac culus, kaas oo sababay in uu u geeriyoodo waqti kooban gudaheed, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyay ka mid ahaa hawlgallada lagu sugayo amniga waddada muhiimka ah ee isku xirta Afgooye iyo Marka, isaga oo la shaqeynayay ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa deegaanka iyo askarta Midowga Afrika ee AUSSOM, si loo adkeeyo amniga.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo la xiriira qaraxa uu sarkaalku ku dhintay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli socda hawlgallo ay ciidamada dowladda ka wadaan deegaannada ku dhow aagga Nambar 50, halkaas oo miinadu ku haleeshay sarkaalkan da’da yar.

- Advertisement -

Read more

Local News