27.2 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo gaaray Turkiga – Maxaa maanta lagu dhowaaqayaa?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ka socoto munaasabad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, waxaana kulankooda diiradda lagu saari doonaa qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, xaaladaha gobolka, iyo danaha wadajirka ah ee labada dhinac.

Ilo ay soo xigatay warbaahinta Middle East Eye ayaa sheegay in labada madaxweyne ay sidoo kale ka wadahadli doonaan horumarrada la xiriira aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland iyo iskaashiga socda ee dhinaca tamarta badda, gaar ahaan sahaminta iyo qorshayaasha qodista shidaalka.

Sida ay ilo wareedku sheegeen, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka uga hadli doona natiijooyinka sahaminta shidaalka ee la dhammeeyey bishii Oktoobar, waxaana la filayaa in labada Madaxweyne ay ku dhowaaqaan billaabista qodista shidaalka ee 2026.

Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Ankara ay qorshaynayso inay billowdo hawlgallada qodista badda Soomaaliya sannadka 2026, isagoo tilmaamay in xogta sahanku muujisay calaamado muujinaya jiritaanka khayraadka hydrocarbon-ka.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyey ballaariyey xiriirkooda, iyagoo xoojiyey iskaashi ku dhisan difaac iyo tamar, oo ay ku jirto sahamin badeed oo Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya. Turkiga ayaa horey u fuliyey howllo sahmin ah oo ka dhacay badda Soomaaliya, kuwaas oo lagu sameeyey heshiiska ay labada dal wada galeen.

Turkiga ayaa sidoo kale joogitaan weyn ku leh Soomaaliya tan iyo 2011, isagoo bixiya gargaar bani’aadannimo iyo iskaashi amni, oo ay ka mid tahay tababaridda ciidamada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isniintii shalay magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay wada-tashi iyo isku-duwid dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifka dalalka walaalaha iyo saaxiibada ah ee si cad uga soo horjeestay kala-qaybinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay go’aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News