28.6 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Somalia oo maanta xaqiijisay guul wayn kadib markii ay la wareegtay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ah kowda bisha January ee sanadka ee cusub 2026 xaqiijisay guul wayn, iyada oo si rasmi ah ula wareegtay xilka Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Madoobay.

Soomaaliya ayaa muddo bil ah heyneysa hoggaanka kursiga wareega ee golahaas oo bil kasta ay isku bed-bedalaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.

Arrintan Soomaaliya waxay uga dhigan tahay guul taariikhi ah, maadaama dalka muddo ku dhow 35 sano la daala dhacayay burbur iyo dagaallo.

Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa mas’uul ka ah hoggaaminta golaha. Hoggaanka 15-ka xubnood ee golaha ayaa is-rogrogta, habkan ayaa soo socday tan iyo 1946.

Dalka bishaas madaxweynaha ka ah golaha ayaa hoggaamiya isku-dubaridka hawlaha shaqo ee muddadaas. Waxa uu door ku leeyahay dejinta ajandaha iyo kala hormarinta qodobada ay xubnaha goluhu ku kala aragti duwan yihiin, mararka qaarna waxa uu u shaqeeyaa sidii diblomaasi dhexdhexaad ka ah dhinacyo kala aragti duwan.

Haddaba, maxay Soomaaliya uga dhigan tahay kursigani?

Kursigan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama ay fursad u helayso inay miiska soo saarto qadiyadaha dal ahaan u muhiimka u ah, isla markaana ay taageeri karto qadiyadaha Afrika iyo saaxiibadeeda kale, iyadoo ajandaha shirka ku dari karta.

“Soomaaliya waxay uga dhigan tahay inay u hadasho nabadda Afrika oo dhan, gaar ahaan nabadda Geeska Afrika oo Soomaaliya ugu horreyso, iyo la dagaalanka al-Shabaab. Waxa kale oo ay ka hadli kartaa soo kabashada dowladnimada Soomaaliya iyo isbeddelka cimilada,” ayuu yiri safiir Dhimbil.

“Hal bil ayay ahaanayaan guddoomiyaha Golaha Ammaanka, bishaasna iyaga ayaa awoodda u leh inay kala horraysiiyaan mowduucyada laga hadlayo,” ayuu sii raaciyay safiirku.

Inkasta oo muddada ay Soomaaliya ku sugan tahay Golaha Ammaanku ay kooban tahay (labo sano), haddana fursadda guddoominta bisha ah waa mid muhiimad weyn u leh Soomaaliya, si ay u soo bandhigto qodobada mudnaanta u leh dalka, Geeska Afrika, iyo guud ahaan qaaradda.

- Advertisement -

Read more

Local News