Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta ka badbaaday isku-day dil kaddib qarax miino oo lala eegtay kolonyo galbinaysay.
Qarax miino oo la rumeysan yahay in dhulka lagu aasay ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidka galbinayay Madaxweyne Cali Guudlaawe, xilli uu maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.
Qaraxa ayaa sababay dhaawaca laba qof oo ka mid ah ilaalada Madaxweyne Cali Guudlaawe. Qaraxa ayaa ka dhacay waddada u dhexeysa garoonka diyaaradaha Jowhar iyo gudaha magaalada.
Kaddib qaraxa, waxaa halkaas ka billowday howl-gallo amni oo illaa hadda aan laga soo saarin natiijo rasmi ah.
Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdiga la socday ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, iyagoo maanta dib ugu soo laabtay xarunta maamulka HirShabelle si uu u dardar-geliyo howlaha shaqo ee horyaalla.
Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa qiyaastii 15KM u jira magaalada, waxaana waddadaas marar hore ka dhacay qaraxyo miino. Howl-gallo lagu baarayo miinooyinka ayaa waxaa halkaasi dhowr jeer si wadajir ah uga fuliyay ciidamada ammaanka HirShabelle iyo kuwa nabad-ilaalinta AUSSOM.
HirShabelle waxaa ka socda howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo maamulkaasi uu yahay kii ugu horreeyay ee uu ka billowday gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda.

