25.5 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Xogta markab lagu qafaashay xeebaha Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Markab kalluumeysi oo Shiinees ah ayaa lagu afduubtay xeebaha maamulka Puntland ee Soomaaliya, sida ay shaacisay shirkadda la-tashiga amniga badaha ee Vanguard Tech.

Markabkan oo lagu magacaabo Liao Dong Yu 578 ayaa la sheegay inuu kamid yahay maraakiibta caan ku ah kalluumaysiga sharci-darrada ah ayaa lagu qafaashay meel u dhow xeebta Bandarbayla, Puntland (09 09 N 050 43 E).

Warbixintu waxay sheegaysaa in weerarka uu dhacay galabnimadii hore ee shalay, waxaana laga shakisan yahay in afduubayaasha ay damacsan yihiin inay markabka iyo shaqaalaha kusii daayan madax-furasho. Vanguard Tech ayaa sheegtay in xogta weli aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Tan aya noqonaysa markii labaad ee markabka Liao Dong Yu 578 ay burcad-badeed qafaashaan. Markabkan ayaa horey loogu afduubtay isla Puntland bishii November 2024, waxaana la sii daayay bishii January 2025 kaddib markii la sheegay in la bixiyay madax-furasho gaareysa malaayiin dollar.

Dave Harvilicz, kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Amniga Internetka ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS), ayaa sheegay in markabkan iyo kuwo la mid ah ay caan ku yihiin kalluumaysiga sharci-darrada ah ee xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan ka ganacsiga kalluunka yellowfin tuna.

“Sabab la xiriirta kalluumaysiga sharci-darrada ah, aan la soo sheegin kana baxsan nidaamka (IUU) ee ay sameeyaan Shiinaha iyo maraakiib kale oo shisheeye, kaydka kalluunka yellowfin tuna ee Soomaaliya wuxuu wajahayaa burbur, taasoo halis gelin karta dhaqaalaha, isla markaana saameyn ku yeelan karta amniga cuntada,” ayuu yiri Harvilicz ku yiri qoraal uu soo saaray bishii hore.

Waxa uu intaas kusii daray: “Kalluumaysiga IUU wuxuu Soomaaliya ka khasaariyaa qiyaastii $300 milyan sanadkii, wuxuuna khatar ku yahay nolol-maalmeedka ilaa 90,000 oo kalluumaysato dhaqameed ah.”

Shirkadaha Shiineeska ah ayaa waxay rukhsadaha kalluumaysiga ka helaan Puntland, taasoo adkeynaysa dhaqan-gelinta shuruucda qaran ee kalluumaysiga, sida ay sheegeen Africa Defense Forum iyo hay’adda Global Initiative Against Transnational Organized Crime.

- Advertisement -

Read more

Local News