30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Sawirro: Saciid Deni oo la kulmay guddiga mucaaradka kadib tallaabadii Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni ayaa xalay la kulmay guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maalmahan shirar ku lahaa magaalada Garowe.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalku marayo iyo howlaha hortabinta u leh Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka waxay ka kooban yihiin lix xubnood oo kala ah, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad, Caarshe Maxamed Siciid, xildhibaan Cabdirashiid Jire, Saahid Qodhob, Cabdilaahi Xaaji Abuukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), kuwaas oo Garowe u jooga dejinta istaraatiijiyadda iyo qorshayaasha ay goluhu ku wajahayaan xilliga kala-guurka.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho ay shir ku yeeshaan magaalada Garowe, kaas oo ay ugu arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shirkoodii magaalada Kismaayo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo gaaro heshiiyo doorasho, balse ma muutaqo isu soo dhawaansho u dhexeeya labada dhinac, inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh aqbalay wadahadal.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya waxay hore u sheegeen in aysan aqbalayn muddo kororsi ay sameystaan goleyaasha dowladda federaalka ah, iyaga oo xusay haddii taas la isku dayo in ay bilaabayaan sidii loo qaban lahaa doorasho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa habeen hore kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay in kulanka “looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen tabashooyin shaqsi ah” isla markaana “arrimahaasi laga heshiiyey.”

Sida lagu sheegay bayaanka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradka hore ugu baaqeen.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulanka ku muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradku horay ugu baaqeen, isaga oo ka dalbaday madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in uu adkeeyey in uu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara in Soomaali isku timaaddo, lana xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Bayaanka ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay “midnimo, isku-tanaasul iyo wada-hadal dhab ah.”

Sida aan xog ku helnay, Xasan Sheekh ayaa doonaya in cadaadiska uga imaanaya mucaaradka uu hoos u dhigo, isla markaana uu ku qanciyo in wax walba ay ka horreeyaan difaaca midnimada, kadib xad-gudubka Israa’iil oo iyadu dhawaan sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News