Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa lagu wadaa in maanta booqasho uu ku tego magaalada Dubai ee caasimada dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, xilli haatan ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo u dhexeysa Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.
Hakan Fidan ayaa qorshuhu yahay inuu la kulmo madaxda Imaaraadka, isaga oo kala hadli doono mowjadaha soo kordhay, ee leh wajiyada kala duwan.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay kamid yihiin iskaashiga Turkiga iyo Imaaraadka, dadaallada nabadeynta iyo kaalinta ay dalalku ku leeyihiin xallinta khilaafaadka gobolka.
Sidoo kale wasiirka ayaa safarkiisa diiradda ku saari doono arrimaha amniga iyo siyaasadda ee gobolka Geeska Afrika iyo Gacanka Carabta.
Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ajendaha wada-hadallada uu kamid yahay xaaladaha ka taagan dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen, kuwaas oo wajahaya caqabado dhanka amniga iyo xasilloonida ah.
Kulankaan ayaa indhaha lagu hayaa maadaama xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid wanaagsan, haddana kusoo beegmay maalin uun kadib markii dowladda federaalka ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraadka, oo ay ku eedeysay inuu ku kacay tallaabooyin xadgudub ah.
“Nasiib darro dowladda Imaaraadka nalooma dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax-banaan marar badan ayaan ka dalbanay inay noola dhaqmaan sidii dowlad mid ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay si adag uga hadlay go’aanka dowladdiisa ka qaadatay Abu Dubai.
Si kastaba, Booqashadan ayaa sidoo kale imaaneysa xilli xasaasi ah oo ay is hayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga, sidoo kalena ay soo kordheen caqabado waa wayn oo gobolka ah.

