28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Waqooyi Bari oo soo bandhigtay cudud ciidan iyo hub culus + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo bandhigay cudud ciidan iyo gaadiidka dagaalka oo noocyo kala duwan ah, xilli uu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi kormeer ku tegay aagga Guumays.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadda, ilaalinta midnimada, wadajirka dalka, iyo ka hortagga faragelin kasta oo shisheeye oo lagu doonayo kala-goynta Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay feejignaanta amni iyo u diyaargarowga difaaca qaranka.

“Waxaan aad ugu farxay iina soo jiitey in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ay ka babanayaan Guumays oo dhowr sano ka hor laga diidanaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rajaynayaa in dabaysha midnimadu ay ku fidi doonto mar aan dheereyn deegaannada gooni-goosadka gacantooda ku haray Soomaalinimadu ha guulaysato.”

Intii uu booqashada ku guda jiray, wasiirku wuxuu kormeeray xaaladda guud ee ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa, isla markaana ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay difaaca dalka, goob kasta iyo goor kasta.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku xaqiijinayso dhiirrigelinta iyo kor u qaadidda tayada iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka kaga sugan yihiin.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa haatan ku sugan wafuud kala duwan oo ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada dalka iyo dalka dibaddiisa, kuwaas oo ka qeyb-galaya caleemo-saarka madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye.

- Advertisement -

Read more

Local News