Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa farriin qoraal ah oo uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Norway ku sheegay in aanu mar dambe dareemayn waajibka ah in uu “ka fekero nabadda oo qura,” maadaama aan la gudoonsiinin Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, isaga oo mar kale ku celiyay dalabkiisii ahaa in uu la wareego maamulka jasiiradda Greenland.
Qoraalkan, oo maamulka Mareykanku uu si ballaaran ula wadaagay dalal kale, ayaa jawaab u ahaa farriin kooban oo uga timid Ra’iisul Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre, iyo Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb.
Labadan mas’uul ayaa ka soo horjeestay go’aanka Trump uu canshuuraha ku soo rogay xulafada Yurub, kadib markii ay diideen in Mareykanku la wareego gacan ku haynta Greenland, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Støre.
Farriintooda ayey Støre iyo Stubb ku tilmaameen baahida loo qabo in la dajiyo xiisadda hadallada kulul, iyagoo codsaday in ay qadka taleefonka ku wada hadlaan Trump. Hase yeeshee, jawaabta Trump ayaa timid waqti yar uun kadib markii ay farriintooda direen.
“Gacaliye Jonas: Maadaama dalkiinu go’aansaday in aanu isiinin Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, anigoo joojiyay 8 dagaal IYO WAX KA BADAN, ma dareemayo waajib ah in aan si gaar ah uga fekero Nabadda, in kasta oo ay mar walba muhiimad yeelan doonto. Balse hadda waxaan ka fekerayaa waxa wanaagsan ee danta u ah Mareykanka,” ayuu Trump ku yiri jawaabtiisa.
Trump ayaa si furan ugu ololeynayay in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, taas oo sannadkii hore la gudoonsiiyay hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela, Maria Corina Machado.
“Dhowr jeer ayaan Trump si cad ugu sharxay xaqiiqada la wada ogsoon yahay ee ah in Guddiga Nobel-ku uu yahay mid madax-bannaan, oo aysan ahayn dowladda Norway cidda bixisa abaalmarinta,” ayuu yiri Støre.
Machado ayaa toddobaadkii hore biladeedii dahabka ahayd guddoonsiisay Trump intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Aqalka Cad, inkastoo Guddiga Nobel-ka ee Norway ay sheegeen in abaalmarinta aan la wareejin karin, la wadaagi karin, ama lagala noqon karin qofkii la siiyay. Guddiga Nobel-ka ayaan weli ka jawaabin codsi la xiriira arrintan.
Farriintiisa uu u diray Støre, Trump wuxuu sidoo kale mar kale su’aal galiyay madax-bannaanida Denmark ee Greenland, isagoo yiri: “Denmark dhulkaas kama difaaci karto Ruushka ama Shiinaha, marka horeba maxay ‘xuquuq lahaansho’ ugu sheeganayaan?”
“Ma jiraan dokumeentiyo qoran, ee kaliya waa doon halkaas cago dhigatay boqollaal sano ka hor, laakiin annaguna doonyo waan geynay halkaas.”
Lahaanshaha Denmark ee jasiiraddan ballaaran ee kheyraadka macdanta hodanka ku ah ayaa ku cad dukumeentiyo sharci ah oo ay ku jirto heshiiskii 1814-kii. Mareykanka laftiisa ayaa dhowr jeer oo hore qiray in Greenland ay ka tirsan tahay Boqortooyada Denmark.
Trump ayaa farriintiisa uu u diray Støre ku soo xiray qaabkiisii xamaasadda lahaa:
“Waxaan NATO u qabtay wax ka badan qof kasta oo kale tan iyo markii la aasaasay, haddana, waa in NATO ay wax u qabato Mareykanka. Adduunku ma noqonayo mid amni ah illaa aan ka yeelanno Gacan ku hayn Buuxda oo Dhamaystiran ee Greenland. Mahadsanid! Madaxweyne DJT.”

