32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis cusub oo xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi difaac, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.

Heshiiska iskaashiga difaac ayaa diiradda saaraya tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa heshiiskan ayaa mar kale adkaynaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaana uu muujinayaa sida ay labada dal uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta ka qayb-galay furitaanka Bandhigga iyo Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Badda ee Dooxa 2026, kaas oo si rasmi ah u daah-furay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani.

Bandhigga Dooxa 2026, oo ka mid ah munaasabadaha caalamiga ah ee ugu waaweyn ee difaaca badda, ayaa lagu soo bandhigayaa teknoolojiyado casri ah iyo qalab milatari.

Ka qayb-galka Wasiirka Difaaca ee bandhigan ayaa muujinayaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso awoodda ciidamada iyo ballaarinta iskaashiga difaac iyo amni ee caalamka.

Socdaalka Wasiirka waxaa ku wehliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidamada Badda iyo Ilaalada Xeebaha, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

- Advertisement -

Read more

Local News