Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa maanta gaaray magaalada Garowe, oo ah caasimadda Puntland.
Safiirka Midowga Yurub waxaa safarka ku wehlinayay safiirrada Denmark H.E. Steen Sonnen Andersen, Norway Ms. Merete Dyrud, iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalalka Sweden iyo Switzerland.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe kusoo dhaweeyay wasiirka qorsheynta Puntland Daa’uud Bisle iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland.
Inta ay Garowe ku sugan yihiin, wafdiga ayaa la filayaa inay kulammo la yeeshaan madaxda Puntland oo ugu sareeyo Madaxweyne Saciid Deni, sidoo kalena ay ka qeybgalaan shir caasimadda ka dhacaya oo diiradda lagu saarayo qorshaha horumarinta Puntland.
Deni ayaa la filayaa inuu kusoo laabto Garoowe kadib wada-hadallo xasaasi ah oo u tegay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka diblomaasiyadeed iyo midka amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Madaxweyne Deni ayaa Abu Dhabi gaaray laba maalin ka hor, kaddib safar saddex maalmood qaatay oo uu ku soo maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Safarka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kadib markii Dowladda Federaalku ay shaacisay inay laashay heshiisyadii iskaashiga milatari ee ay la lahayd Imaaraadka.
Maamulka Puntland ayaa dhawaan si adag ganafka ugu dhuftay go’aanka Dowladda Federaalka ee Imaaraadka, iyadoo ku tilmaamtay mid “baalmarsan dastuurka”.
Puntland ayaa sheegtay in Golaha Wasiirrada ee Federaalku aysan awood u lahayn inay si keli ah u baabi’iyaan heshiisyo ka howlgala gudaha dowlad-goboleedka iyadoo aan wax wadatashi ah la sameyn, sida uu qabo nidaamka federaalka Soomaaliya.











