23.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Somaliland oo beenisay xog uu taleefishinka Al-Carabiya ka baahiyey gobolka Awdal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) — Somaliland ayaa beenisay warbixin xasaasi ah oo uu baahiyay telefishinka Al Arabiya, taas oo sheegaysay in ciidamo meelo kale ka yimid ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka Oodweyne, iyadoo warkaas ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn. 

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu xaqiijiyay in gobolka Oodweyne uu si buuxda u hoos yimaado maamulka Hargeysa.

Wasaaradda ayaa caddeysay in amniga gobolkaas ay gacanta ku hayaan ciidamada qaranka Somaliland oo kaliya, islamarkaana aysan jirin cid kale oo halkaas ka hawlgasha.

Beeninta Somaliland ayaa kusoo beegmaysa xilli Al Arabiya ay sidoo kale werisay in maalintii labaad oo xiriir ah ay iska horimaadyo ka socdaan gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya.  

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in dagaalku u dhexeeyo kooxo taabacsan dhaqdhaqaaqa gooni-isu-taagga iyo xoogag hubeysan oo si weyn uga soo horjeeda kala-go’a Soomaaliya.

Gobolka Awdal, oo horey loogu tirin jiray deegaannada ugu xasilloon, ayaa muddooyinkii dambe wajahayay xiisado amni oo sii kordhaya, kuwaas oo abuuray walaac horleh.

Somaliland ayaa guud ahaan bilihii lasoo dhaafay la daalaa-dhacaysay cadaadisyo amni iyo mowjado siyaasadeed oo ka jiray qeybo kamid ah waqooyiga iyo galbeedka dalka. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa inta badan salka ku haya maleeshiyaad hubeysan iyo khilaafyo beeleed oo leh waji siyaasadeed.

Dhacdooyinkan ayaa mar kale indhaha kusoo jeediyay Somaliland, oo ku dhawaaqday madaxbannaanideeda sanadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe, balse aan weli aqoonsi ka helin beesha caalamka.

Dhinaca kale, warbaahinta maxalliga ah iyo tan caalamiga ah ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay tebinayay isku-dhacyo goos-goos ah oo ka dhacayey aagagga lagu muransan yahay iyo deegaannada u dhow halka ay dowladda Federaalku saamaynta ku leedahay.

Dadka gobolka Awdal ayaa si weyn u diiday aqoonsiga Yahuudda ee maamulka Somaliland, ayaga oo ballan ku qaaday in ay u dagaalami doonaan midnimada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ku celcelisay inay si adag uga soo horjeedo tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada dhuleed ee dalka.

Muqdisho ayaa ku adkeysata inaysan aqbali doonin tallaabooyin gooni-goosad ah oo hal dhinac ah, iyadoo hoosta ka xariiqday in xal kasta oo waara uu ku imaan karo oo kaliya wada-hadal siyaasadeed oo waafaqsan dastuurka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News