Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulan muhiim ah oo la’isugu yeeray ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC oo ay dhawaan xubin ka noqotay Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradd aayaa waxaa gudoomiyay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar Balcad, waxaana ka qayb-galay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin ururrada bangiyada, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ururka Isgaarsiinta, iyo haweenka ku jira ganacsiga.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ugu habboon ee ganacsiyada Soomaaliyeed loogu diyaarin karo ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo la hubinayo in ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay si buuxda uga mid noqdaan geeddi-socodka.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu fududeynayo gelitaanka suuqyada gobolka, caqabadaha dhinaca sharciyeynta iyo maalgelinta, iyo dejinta siyaasad taageerta tartan-wanaagga iyo kobaca ganacsiga guud ahaan Bariga Afrika.
Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay garab istaagga ganacsatada Soomaaliyeed, si ula tartamaan dhiggooda gobolka.
“Dowladdu waxay mar kale adkeneysa sida ay uga go’an tahay wadatashi joogto ah iyo iskaashi dhow oo ay la yeelanayso ganacsatada, si xubinnimada EAC loogu beddelo fursado dhaqaale oo la taaban karo, kuwaas oo kor u qaada horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.
Dhawaan ayay Soomaaliya dirtay xildhibaannada u metalaya Baarlamaanka EAC, kuwaas oo ay go’aan ka gaartay maxkamad ku taalla magaalada Arusha ee dalka Tanzania, kadib dacwo ay gudbiyeen koox xildhibaanno Soomaali ah.


