27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Cabdi Xaashi oo laga dalbay inuu caddeeyo mowqifkiisa ku…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maryan Faarax Kaahiye oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, lagana soo doorto Jubbaland ayaa maanta dhambaal u dirtay guddoomiye Cabdi Xaashi, iyada oo ka dalbatay inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo ay weli ku howlan tahay kooxda Villa Soomaaliya.

Maryan ayaa oo qoraal dheer soo saartay ayaa sheegtay in guddoomiyaha ay uga baahan tahay jawaab waafi ah oo waafaqsan Dastuurkii 2012-kii.

“Waxaan waayey hal mar adigoo si cad u soo bandhigaya diidmadaada ku aaddan ku tumashada Dastuurkii lagugu dhaariyey, taas ayaa maanta igu kaliftay in aan kaa codsado CADDAYNTA mawqifkaaga ku aaddan Masiibada hadda Golaha Aqalka sare hortaal muddo 24 saacadood ah” ayay tiri Maryan.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

Guddoomiye Cabdi Xaashi Aqalka Sare maanta oo ay taariikhdu tahay 28 Jannaayo 2026, anigoo ixtiraam kuu haya waxaan ku dareensiinayaa:
Markaad Golaha nala joogto waxaad mar walba kusoo celcelisaa sida ay kaaga go’an tahay Soomaalinimadu,iyo sida aad u diidan tahay wax walba oo kasoo horjeeda Dastuurka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Innagoo og in dalkeenu maanta u baahan yahay bedbaadin,waxaa ii muuqata in aad meel iska dhigtay wixii aad aaminsaneyd ee ahaa SARREYNTA SHARCIGA iyo ilaalinta midnimada Soomaaliyeed.

Waxaan waayey hal mar adigoo si cad u soo bandhigaya diidmadaada ku aaddan ku tumashada Dastuurkii lagugu dhaariyey, taas ayaa maanta igu kaliftay in aan kaa codsado CADDAYNTA mawqifkaaga ku aaddan Masiibada hadda Golaha Aqalka sare hortaal muddo 24 saacadood ah.

Guddoomiye,
Marka 1aad,waxaa ku cad Dastuurka 2012-kii,gaar ahaan Cutubka 6-aad,qodobka 56-aad,farqooyinkiisa (a),(b):
(A) Xilka labada Gole wadagaan waa inay u gutaa si wadajir ah
(B) Xilka uu Gole walba gaar u leeyahay wuxuu u gutaa gaar ahaantisa(halkaas waxaa ka cad in ay reebban tahay isku-milan shaqo ee labada Gole)!

Dhanka kale,
Maaddaama aad tahay Gudoomiyaha Aqalka Sare,sidoo kalana tahay oday Soomaaliyeed,maanta sidee u oggolaatay ku xad-gudubka Qodobka 25-aad ee Xeerhoosaadka Aqalka Sare oo sheegaya:
Ajendaha waxaa loo qeybiyaa Xubnaha Golaha ugu yaraan 48 Saac ka hor fadhiga loo dhan yahay!

Guddoomiye,waxaad maanta joogtaa cimri ama sharaf ku raacdo,ama magacaagu taariikhda ka galo BAAL MADOW!

Guddoomiye,maanta markhaati been ah oo daaha gadaashiisa wax la- guugu sheego ha aqbalin ee doorkaaga Guddoomiye qaado oo dalka bedbaadadiisa qeyb libaax ka qaado!

Mudane Guddoomiye,
waxaan kaa sugayaa(ummaada Soomaaliyeedna waa ila qabaan),jawaab waafi ah oo waafaqsan Dastuurkii 2012, cabsi Eebbe, dareenkaaga odaynimo iyo adigoo og in Baarlamaanka JFS xirmayo 29 berrito.

Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News