28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Sacuudiga oo dal muhiim ah ku soo biiriyey xulufada ka soo horjeeda Imaaraadka Carabta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Algiers (Caasimada Online) — Boqortooyada Sacuudiga ayaa dardargelisay xiriirka iyo is-kaashiga ay la samaynayso dalka Algeria, tallaabadaas oo falanqeeyayaasha gobolku ku tilmaameen mid qayb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda iyo saamaynta Imaaraadka Carabta, xilli labadan dal ee horey xulafada dhow u ahaa ay hadda u muuqdaan kuwo ku loolamaya saamaynta Waqooyiga iyo Bariga Afrika. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud, ayaa toddobaadkan magaalada Algiers kula kulmay Madaxweynaha Algeria Cabdulmajiid Tebboune. Inkastoo labada dhinac ay kulanka ku tilmaameen mid caadi ah oo dib loogu eegayay xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga amniga, haddana xilliga uu ku soo beegmay ayaa dhaliyay hadal-hayn xooggan.

Booqashadan ayaa timid xilli xukuumadda Algiers ay maalmihii u dambeeyay muujinaysay caro xooggan oo ku aaddan wax ay ugu yeertay “faragelin shisheeye” oo khatar ku ah midnimada qaran, iyadoo warbaahinta Algeria ay baahiyeen in dowladdoodu ay ka fiirsanayso inay hoos u dhigto — ama xitaa gebi ahaanba jarto — xiriirka ay la leedahay Abu Dhabi.

Xuddunta khilaafka Algeria iyo Imaaraadka ayaa salka ku haysa eedeymo xasaasi ah oo la xiriira Dhaqdhaqaaqa Gooni-u-goosadka ee Kabylie (MAK), oo ah urur fadhigiisu yahay Paris oo u ololeeya madax-bannaanida gobolka Kabylia. Saraakiisha Algeria iyo warbaahinta dowladda ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay xiriir la leeyihiin ama taageero siiyaan kooxdan, eedeymahaas oo Abu Dhabi aysan weli si rasmi ah uga jawaabin.

Algeria, oo siyaasaddeeda arrimaha dibadda ku dhisata mabda’a madax-bannaanida iyo faragelin la’aanta, ayaa arrimaha gooni-u-goosadka u aragta khad cas oo dhanka amniga qaranka ah.

U-dhawaanshaha Sacuudiga ee Madaxweyne Tebboune ayaa ku soo aadaya xilli Riyadh iyo Abu Dhabi, oo mar ahaa saaxiibbo isku aragti ka ah arrimaha gobolka, ay hadda kala wataan dano iska soo horjeeda. Kala-fogaanshahan ayaa si weyn uga muuqda dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Suudaan, halkaas oo falanqeeyayaashu sheegeen inay kala taageerayaan dhinacyo iska soo horjeeda.

Khubarada ayaa aaminsan in Riyadh ay xiriirka dhow ee Algiers u aragto fursad istiraatiijiyadeed iyo mid astaan awoodedba leh. Dhanka kale, iskaashiga dhanka amniga ah ayaa u furaya waddo ay ku wadaagaan xogta sirdoonka iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada gobolka, taas oo abuuri karta isbaheysi awood leh oo aan u baahnayn in si rasmi ah loogu dhawaaqo.

Loolanka labada dal ee Khaliijka ayaa hadda u muuqda mid dhaafsiisan kaliya khilaafyada dalalka Carabta, wuxuuna isu beddelay tartan lagu raadinayo saamaynta dhaqaale iyo midda amni ee qaaradda Afrika.

In kasta oo saraakiisha Sacuudiga iyo Algeria ay diiradda saarayaan xiriirka labada dal, haddana digniinta Algeria ee ku wajahan Imaaraadka iyo soo-dhowaanshaha Riyadh ayaa muujinaya is-safaysi cusub oo ku dhisan dano amni — tallaabadaas oo haddii ay sii socoto horseedi karta in xurgufta gobolka ay gasho weji cusub oo ka adag midkii hore.

- Advertisement -

Read more

Local News