28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku war-geliyey wasiirradii uu Villa Somalia kula kulmay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Muqdisho kula kulmay wasiirrada maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika, ayaa kala sheekeystay arrimo ku aadan xaaladda gobolka, intii lagu guda jiray xiritaanka kulankii 27-aad ee madasha iskaashigga wasiirradan oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha caasimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay wasiirrada ayaa marka hore ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay fursad muhiim u tahay in haatan ay hoggaanka u hayso madashan oo ka shaqeyneyso xoojinta wada-shaqeynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.

Muddada uu socday shirkan waxaa ka qayb-galay Wasiirrada Maaliyadda dalalka kala ah Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, iyada oo uu guddoomiyay Wasiir Biixi Iimaan Cige oo hadda ah guddoomiyaha Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika ee sanadkan.

Waxaa kale oo goobjoog ahaa wakiillo ka socda Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub, Dowladda Ingiriiska, Ururka IGAD, iyo hay’adaha kale ee maaliyadda iyo dhaqaalaha ee heer gobol iyo heer caalami.

Gabagabadii waxaa shirka laga soo saaray war-murtiyeed ku aaddan dardar-gelinta iskaashiga dhaqaale iyo ka faa’iideysiga fursadaha wadajirka ah ee tamarta iyo horumarinta dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika.

Si kastaba, Shirkan ayaa ah mid lixdii biloodba mar la qabto, iyadoo diiradda lagu saaro iskaashiga dhaqaale, wax-soo-saarka iyo horumarinta isku-xirka dalalka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News