Warsheekh (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab ayaa maanta howgal guuleystay ka fuliyay aagga deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan cashir lama ilaawaan ah loogu dhigay kooxda, iyaga oo gacanta kusoo dhigay kayd qaraxyo ah oo ay ku lahaayeen halkaasi.
Ciidamada oo helay xog sugan ayaa qaraxyada kasoo saaray kayd ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo ay hadda si buuxda u maamulayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga dalka, ciidamada ayaa helay xog sirdoon, waxayna ku guuleysteen inay soo saaraan qaraxyadaas oo ah miinooyin si qarsoodi ah loo galiyay god ku yaalla halkaasi.
“Howlgalkan oo qeyb ka ah howlgallo horey u socday, kana dhashay xog sirdoon oo sugan, ayaa ciidanku ku ogaadeen goob si qarsoodi ah loogu keydinayey miinooyin iyo walxo qarxa, kuwaas oo Khawaariijtu u adeegsan jirtay khatar gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo uu intaas lagu sii daray in ciidamada ay sugeen amniga guud ee deegaanka, isla markaana ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijta.
“Ciidanka Ururka 161-aad Danab ayaa si buuxda u sugay amniga aagga, iyaga oo hubiyay khatar kasta oo ka imaan karta walxaha qarxa ee laga hortagay, waxaana la bilaabay tallaabooyin lagu burburinayo keydka miinooyinka si waafaqsan habraacyada amniga” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dagaalladii dhawaan ka dhacay Jabad-Godane ayaa khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, iyadoo maydadkodoa lagu soo bandhigay deegaanka.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, iyada oo inta badan lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay, sida kii ka dhacay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.


